(Akhriso Liiska)- Wasiir Cukuse oo Isku-shaan dheyn ku sameeyey Madax-waaxeedyada Wasaaradda Warfaafinta

    0

    cukuse22Hargeysa (SLpost)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa cusboonaysiin, beddelaad iyo magacaabis ku sameeyey Madax-waaxeedyada wasaaraddaas, waxaana xubnaha cusub ee xilalka loo magacaabay ka mid ah Suxufiga Xuseen aw-Jaamac Jibriil (Xagar) oo ahaa wariye Idaacadda BBC-da uga warrami jiray Somaliland, gaar ahaan gobollada Bariga.

    Wareegto maanta uu soo saaray Wasiir Cukuse, ayuu isku-beddel iyo magacaabis ku sameeyey 49 xubnood oo ka mid ah madax-qaybeedyada kala duwan ee wasaaraddda, waxaanay tallaabadani ku soo beegmaysa maalin ka dib kulan garnaqsi ah oo wasaaradda dhexdeeda ku dhexmaray masuuliyiinta wasaaradda ee uu isagu ugu sarreeyo iyo shaqaale ka tirsan Radio Hargeysa oo cadaalad-darro ka tirsaday hoggaamintiisa wasaaradda, ka dib markii sida ay sheegeen lagaga baxay ballamo hore loogu qaaday.

    Wareegtada Wasiir Cukuse ayaa u dhignayd sidan:  “Anigaoo ah Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta ee Jamuuriyada Somaliland,waxaaan halkan ku soo saarayaa iskushaadhayn Waaxaha Wasaarada aniga oo tixgalinaya ahmiyada wayn ee ay Qaranka u leedahay Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta.

    Waxa waajib Qaran ah in la helo shaqaale tayo sare leh si  ay u gudato waajibaadka Qaranka ay masuulka uga tahay.

    Sidaa daraadeed, waxaan idinla socodsiinayaa in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 14/04/2014 aan magacaabis xilal cusub iyo dib u magacaabis  u sameeyay waaxaha Wasaarada ee hoos ku xusan:-

    1.         Agaasimaha Maamulka, Maxamed Sh.  Maxamed Cawaale

    2.         Agaasimaha Farsamada, Eng. Axmed Saleebaan Wayne

    3.         Agaasimaha Idaacada,  Siciid Aadan Cigge

    4.         Agaasimaha Qosrshaynta iyo Wacyigelinta Axmed Ismaaciil Xuseen “Cirro”

    5.         Agaasimaha WaaxdaDhaqanka Cabdi Maxamed Jaamac

    6.         Gudoomiyaha DAWAN Maxamed Cisman Mirre

    7.         Gudoomiyaha Solna Xusseen Aadan Yuusuf

    8.         Agaasime kuxigeen Farsamada C/laahi Aadan Maxamed

    9.         Gudoomiye kuxigeenka Solna Yuusuf Maxamed Ismaacil

    10.       Gudoomiye kuxigeenka DAWAN Cumar Maxamed Aw Faarax

    11.       Madaxa Wararka TV-ga Maxamed Saciid Muxumed

    12.       Madaxa shaqaalaha Mawliid Maxamed shaqale

    13.       Tafatiraha Guud ee TV-ga Xuseen Jaamac Jibriil  (Xagar)

    14.       KaaliyahaTIfatiraha Guud ee TV-ga Maxamed Xuseen Cali

    15.       Madaxa Barmaamujyada TV-ga Xuseen C/laahi Deeqsi

    16.       Madaxa Editorka IsmacIil Maxamed Cakuule

    17.       Xisaabiyaha Wasaarada C/rashiid Daahir Cali

    18.       Madaxa  Kaydka TV-ga AxmedJaamacFaarax

    19.       Ku xigeenkaMadaxa Kaydka Axmed Aare

    20.       Madaxa Bakhaarka (Store) Maxamed Maxamuud Burgal

    21.       Kaaliyaha Bakhaarka (Store) MustafeYuusuf Ibraahim

    22.       Madaxa Qorshaynta Salma C/raxmaan Sheekh

    23.       Madaxa Wacyigalinta Jaamac Ismaaciil Xayd

    24.       Madaxa Barmaamijyada Radio Hargeysa  Khadar Max’ed Cakuule

    25.       Ku xigeenka Madaxa Barmaajyada Radio Hargeisa Faysa Cali Xuseen

    26.       Madaxa kaydka Idaacada Nimco Rooble Faarax

    27.       Madaxa Online ka Safiya Cali Yuusuf

    28.       Madaxa Gaadiidka Maxamed Axmed Cali “Curi”

    29.       Madaxa laydhka iyo Mishiinada Jaamac Axmed Faarax

    30.       Madaxa Warlaliska Idaacada Cabdi Aadan Ismaaciil

    31.       Madaxa Istuudyaha Idaacadda Maxamed Jaamac Cigaal (Jarmal)

    32.       Madaxa Isku Xidhka istuudiyaha iyo Warlaliska MaxamedCabdi Idiris

    33.       Madaxa Idaacada quraanka Maxamed Axmed Cabdilaahi “Shabeel”

    34.       Madaxa Farsamada Idaacada Quraanka Maxamed Axmed Cali “M.Deeq”

    35.       Madaxa Tafatiraha Englishka TV-ga Aadan Maxamed Cismaan

    36.       MadaxaTafatirahaCarabiga TV-gaAxmedXasanAadan

    37.       Madaxa Dukmanteriga Cabdiqani Xasan Faarax

    38.       Madaxa Baahinta Dibada TV-ga Axmed Maxamed C/raxmaan “Ugaas”

    39.       Madaxa Baahinta Gudaha TV-ga Sidiiq Ismaaciil Axmed

    40.       Ku-xigeenka Madaxa Barnaamijyada TV-ga C/risaaq Cismaan Maxamed

    41.       Madaxa Warlaliska TV-ga Nuur Cumar Jaamac

    42.       Madaxa IT-ga Wasaarada Xuseen Cali Caraale

    43.       Ku- xigeenka Madaxa Satalliteka Maxamed Yuusuf Dhamac

    44.       Ku xigeenka Madaxa Wararka TV-ga Cali AxmedCawaale “Canadhame”

    45.       Madaxa Studio-yaha TV-ga Xasan Maxamed Jaamac “Panaroma”

    46.       Ku xigeenka Madaxa Studio-yahaTv-ga Sharmaarke Maxamed Faarax

    47.       Madaxa Kamaramanada (Cameraman) Axmed Xuseen Warsame

    48.       Ku-xigeenka  Madaxa Wacyigalinta Nafiisa Maxamed Xuseen

    49.       Madaxa Monitoringka TV-ga Axmed Saxardiid Xirsi

    Waxaan idiin rajaynayaa in aad si xilkasnimo leh uga soo bixi doontaan howsha la idiin igmaday. Sidaa iyo wada shaqayn wacan.

    Allaa Mahad Leh