Sarkaal ka tirsan Nabadsugidda Somalia oo lagu dilay Muqdisho

    0

    Muqdisho(SLPOST) Kooxo hubeysan ayaa xalay magaalada Muqdisho ku toogtay Sarkaal ka tirsan Hay’adda nabadsugidda ee Dowladda Federaalka, iyada oo ay dhaawaceen mid kale.

    Kaaraan-400x300

     Sarkaal lagu magacaabo Axmed Sheikh Cabdulle oo ka hawlgalayay madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa kooxo ku hubeysan baastoolado ku dileen degmada Kaaraan, Sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Gudoomiyaha degmada Kaaraan Axmed Xassan Yalaxoow.

    Wuxuu ku eedeeyay Ururka al-Shabaab in ay ka dambeeyeen dilka, isagoo sheegay in ay falkaas u qab qabteen dad dhowr ah oo baadhaano lagu sameynaayo.

    Tan iyo markii magaalada Muqdisho laga saaray Ururka al-Shabaab, waxaa soo batay falalka dilalka qorsheysan oo lala beegsanaayo saraakiisha laamaha amaanka iyo masuuliyinta Dowladda.

    Somalilandpost.net

    Hargeysa/Somaliland