Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay go’aanka Golaha Deegaanka Sheffield ku Go’aamiyeen taageerada Aqoonsiga Madax-bannaanida Somaliland

    0

    Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Talaabo geesinimo leh ku sifeeyay Go’aanka Golaha degaanka Sheffield ee Ingiriisku ku aqoonsaday Somaliland.

    Madaxweyne-axmed-Siilaanyo2

    “ Dawladda Somaliland waxay soo dhawaynaysaa Talaabada Geesinimada leh ee Golaha degaanka Sheffield qaaday. Dadka Somaliland way u qalmaan in la citiraafo” ayuu Madaxweyne Siilaanyo ku sheegay Boggiisa Twitter-ka.

    Golaha degaanka Sheffield ayaa shalay Aqoonsaday Qaranimada Somaliland, iyadoo noqonaysa Bogcadii ugu horaysay ee dunida ah, taasi oo si rasmiya u aqoonsata Jiritaanka iyo dawladnimada Somaliland. Shacabka Somaliland ayaa si aada u hadal haya, iyadoo la filayo inay Albaabada u furto arintani meelo kale oo dunida ah iyo siyaabo kale oo Citiraafka loo raadiyo.

    SOMALILANDPOST.NET