Hargeys(SLPOST) Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex Ayaa Maanta Xukuno Isugu Jira Xadhig iyo ganaax lacageed Ku riday Laba qof oo Lagu Soo Qabtay Khamri cadadkiisu dhamaa 35Shirikaan oo u dhiganta 1050 Litir.
01Raggan ayaa Doonayey in khamrigan ay soo galiyaan Magaalada Harrgeysa waxana gacanta ku dhigay Ciidanka Booliska ee Degmada Faro-weyne ee Gobolka Maroodi-jeex, maxkamada ayaa ragaasi Xukuno ku riday iyada oo cuskanaysa qodobka 4aad ee Xeer lambar 21/ 2002 ee xeerka la dagaalanka mukhadaraadka qodobkiisa 71aad ee ciqaabta guud iyo Ayaada 90naad ee suuratul maa’ida ku xukunta labadaasi eedaysane saddex sannadood iyo saddex milyan oo ganaax.
Markii xukunka lagu dhawaaqayey ayaa waxa goob joog ka ahaa taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Somaliland, Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamada gobolka hargaysa iyo ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud.
Xukunka lagu riday labadan eedeysane ee lagu soo qabtay 35ka shirkaan ee khamriga ah ayaa waxa xukunkooda ku dhawaaqay guddoomiye ku-xigeenka maxkamada gobolka maroodi jeex Mudane Xuseen Maxamed Jaamac waxaana uu yidhi. “Xukunkii maxkamadu waxa ay ku xukuntay danbiilayaasha kala ah Maxamed Ismaaciil Aadan 35jir Ina Aniisa sadex Sanadood Oo Xadhig Ah Iyo Saddex Milyan Oo Ganaax Ah Eedaysanaha 2aad Cabdi Yuusuf Axmed 23jir Ina Aamina sadex Sanadood Oo Xadhig Ah Iyo Saddex Milyan Oo Ganaax Ah qodobka 2aad maxkamadu waxa ay isna xukun ku riday gaadhigii siday khamriga oo ahaa nooca loo yaqaan Seeraf laguna ganaaxay shan boqol oo kun”.Ayuu yidhi.



