Hargeysa (SLPOST)- Masuuliyiinta Dalladda Heer Qaran ee Dhallinyarada Somaliland ee SONYO ayaa Hadhimo Sharafeed Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa ugu Sameeyey Aqoonyahan Maxamed Cali Bile oo ka mid ah Aqoonyahanka reer Somaliland,

kana mid ah Saraakiisha ugu sar sarraysa Hay’adda UNICEF, dhawaanna loo magacaabay Isu Duwaha Deeqaha Gargaarka Bani Aadamnimo ee Qaramada Midoobay ee dalka Yemen, kaasi oo fasax kooban ku yimid caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Munaasibaddan Qado-sharafta ee shalay lagu maamuusay Aqoonyahan Maxamed Bile waxa ka soo qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Md. Maxamed Xuseen Dhabbeeye, Guddoomiyaha Dalladda SONYO Md. Mubaarik Ismaaciil Taani, Agaasimaha Fulinta SONYO Md. Siciid Maxamed Axmed, Agaasimaha

SONSAF Md. Maxamed Barawaani, La Taliyaha Xagga Dhallinyarada ee Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Md. Xamse Cabdiraxmaan Khayre, Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame, saraakiil ka kala socday Hay’adaha Caalamiga iyo kuwa Maxaliga ah iyo Marti sharaf kale.
Ugu Horrayn Munaasibaddan Qado shafarta ee SONYO ku Maamuustay Aqoonyahan Maxamed Cali Bile waxa hadalo kooban ka soo jeediyey Guddoomiyaha SONYO Md. Mubaarik Ismaaciil Taani oo sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay Xaflad soo dhaweyn ah u sameeyaan Maxamed Cali Bile oo ka mid ah Saraakiisha sarsare ee Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNICEF ahaana raggii seeska u dhigay Xafiiska UNICEF ee Somaliland kaasi oo imika meeqaam sare ka gaadhay Hay’adda uu ka tirsan yahay iyo guud ahaan Qaramada Midoobay in muddo ahna Madax ka soo ahaa Xafiisyada UNICEF ee dalalka Jordan, Ciraaq iyo kuwo kale.
Guddoomiyaha SONYO waxa uu guud mar ku sameeyey sooyaalka hawleed ee Aqoonyahan Maxamed Cali Bile oo ka mid ahaa saraakiishii Hay’adda UNICEF ee sida weyn uga soo shaqeeyey sees u dhigiddii Arrimaha Waxbarashada Somaliland isaga oo dalka ka hawl galayey sannadihii 1991 illaa 2001 oo ah sannadihii Somaliland ka soo doogtay burburkii dalka ku yimid ee ay dhismaysay, wakhtigaasi oo Maxamed Cali Bile si weyn uga qayb qaatay arrimaha Bani Aadamnimo ee Somaliland ka hor intii aan loo wareejin xafiisyada heer Caalami ee Hay’adda UNICEF. Guddoomiyaha Dalladda SONYO Md. Mubaarik Ismaaciil Taani waxa uu xusay in ujeedada ay ka leeyihiin casuumaddan ay u fidiyeen Maxamed Cali Bile tahay sidii ay wax uga korodhsan lahaayeen isna ugu dhiirri gelin lahaayeen in uu dhallinyarada dalka ku dhiirri geliyo Aqoontiisa iyo waayo aragnimada uu ka kasbaday Boosaska sare ee shaqo ee uu ka qabtay Qaramada Midoobay.


