TACSI – Geerida Axmed Maxamed Aadan (Qaybe)‏

    0
    qaybe
    Aniga oo ku hadlaaya Magacayga Rashid Garuf, ka xaaskayga Sakin Ali Mire iyo dhamaan magaca reer Cabsiiye iyo magaca reer Ali Mire:

    Waxa aanu halkan tacsi uga dirayaa dhamaan  Ehelkii,Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan shacabka reer Somaliland meelkasta oo ay
    joogaan gude iyo dibadba; ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) oo ku geeriyooday maanta Hargeysa.

    Marxuum Axmed Maxamed Aadan waxa aanu illaahay uga baryaynaa inuu naxariistiisii Janno ka waraabiyo; Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii,

    iyo dhamaan shicibka Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo. Aamiin.

    Rashid Garuf
    Wakiilka Somaliland ee USA
    Washington DC