Waa Noocma Qabyo-qoraalka Xeerka CASHUUR-KORDHINTA ah ee Madaxtooyadu u gudbisay Golaha Wakiillada?

    0

    Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa badhtamihii Bishan mar uu hor tagay Wakiillada, waxa uu Golahaas u gudbiyey Qabyo-qoraalka Xeer xambaarsan Cashuur-kordhin lagu samaynayo Gaadiidka iyo Xoolaha Ka dhoofa Dekedda Berbera.

    Xeerkan oo wax-ka-beddel iyo Kaabis ay mudaneyaasha Goluhu u sameeyeen ka dib markii ay laba maalmood ka doodayeen, isla markaana intii dooddalagu gudo-jiray  ay xildhibaanno badan  ka biyo-diideen ansixintiisa, ayaa maanta lagu meel-mariyey cod aqlabiyad ah, waxaanu wakhtigan xeerku horyaallaa madaxweynaha Somaliland oo si uu u dhaqan-galo la filayo inuu qalinka ku duugo.

    Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Nuqullada qabyo-qoraalka Xeerkan madaxtooyadu u gudbisay Golaha ka hor intii aan wax-ka-beddel iyo Kaabis lagu samayn.

    XEERKA WASIIR XIRSI U GUDBIYEY GOLAHA

    12345

    6

    GOOR-DHOW FILO XEERKA WAX KA BEDDELKA LAGU SAMEEYEY EE GOLAHA WAKIILADU MAANTA ANSIXIYEEN.]

    Somalilandpost.net/Hargeysa