Gabowdaye Guurtida ku Biir : Qormadii 7aad

    0

    Deeley Dareenley
    Rag Allow Madooxaa
    Ma Dilaaciyaa Nabar

    Waa markhaati madoon iyomuran reeb waa maalmo ina soo maray oo aynu milicsanayno waa manfac aynu leeney misne aynu moog nahey ee bal aan miida iyo micnaha udaa dago .

    2/05/2002 markii laysla oogsadey geeridii cigaal waxaa markiiba iyadoo dadku yaaban yiin loo aayey dasduurkii uu marxuun cigaal inooga tagey kaas ayaana maalintaa la kala furey iyadoo ay mudo 8 biloodi u hadhsaneyd waxa maalintaa dastuurka furey alle ha unaxariistee Gudoomiyihii golaha Guurtida Somaliland Sh. Ibraahim sh. Yuusuf sh. Madar oo isna kaalintiisii maanta inagu soo banaa naatey waxaana madaxweyne nimadii loo dhaariyey mudada hadhey madaxweyneyne ku xigeenkii jamuuriyada Somaliland Mudane Daahir riyaale kaahin inuu ahaado maalintaa 2/5/2002 madaxweynaha Somaliland .umada Somaliland maalintaas way mideysneyd uu la wareegey madaxweyne Riyaale markii uu talada qabteyna waxa baa ba ay xataa wax yaabihii yar yaraa ee la tabanaayey ee qarsoonaa.

    Waxa uu madaxweyne riyaale markiiba ku dhawaaqey baroordiiq maalmo loo cayimay inay warbaahinta dalka uu maalmahaa laga saaro quraan ilaa inta ay ka dhamaaneyso wax yaabaha lama ilaawaanka ah waxa kamida heestii baroordiiqda aheyd ee fanaaniintu Somaliland inkayar 20 saacadood ay ku sameeyeen heestii ay mar xuum cigaal u sameeyeen maalintaasi oo ay midha heed ka mid ahaayeen

    GODKA LAGU JANEE

    GEESI NAGA BAXOO

    GUUL DHASHUU AHAA

    Waxaa dhamaan dadka reer somalind qeybaheeda kala duwan kaaga muuqata jaceylkii ay marxuum Cigaal u qabeen taasi ay sabab u aheyd inuu marxuum cigaal ahaa nin dadku u sinaayeen oo aan aqoon qabiil oo kuu muujineysa xataa intii agtiisa ka dhaweyd .(Alle naxariistii jano ha ka waraabiyo dhamaan umadeenii somalind ee dalka u dhimatey iyo umada kale ee muslinka ahba).

    Waxaan bal soo qaadanayaa murtidii cali jaamac haabiil waxaanu yidhi
    Mid weeye haddii lays galoo geel la kala qaado

    Gurmad noqonayaa iyo annagu guuto bixinnaaba

    Giiryaalihii fule markuu gelelef rooraayo

    Rogaalkuu giraangirin ogaa gocanayaa mooyi

    Geb hadday maritidu soo tidhaa goor u nala joogo

    Godka lagu janneeyow hadduu goosan la carraabo

    Garab saar rag weeyee hadduu gogosha soo qaado

    Gasiinkii la soo dhigay haddaad gal iyo daad mooddo

    Bakhayl baa gammiima’e intuu gaadhka ka qoslaayo

    Godolkuu ku haasaawin jirey gocanayaa mooyi

    Gar adkaatay, xaajada gurracan, guurti kala maagtay

    Haddii geedka laysugu yimaad golaha waayeelka

    Waxay gola fardooddaba haddii la isku soo gaadho

    Nin waliba hadduu gees damcoo giijo madixiisa

    Wax la wada gorfeeyaba haddii la isu geyn waayo

    Gaagaabsayaa iyo isagu gees u hadal yaaba

    Guddoonkii la wada raaci jirey gocanayaa mooyi

    Gugoo da’ay aroosyada haddii gowda laga saaro

    Shir girmidha haddii loo kiciyo gob iyo reer aada

    Gammaan naaxay heensaha haddii guudka laga saaro

    waa gelin is daawada halkii garangar loo joogey

    Gole igu bannaanaa wallee garab la’aaneede

    Gunnaduu ka soo toocin jirey gocanayaa mooyi

    Gardarrada sokeeyaha rag baa gees biciid u lehe

    Gudcurkiyo caddadu waa walaal kalase guul roone

    Gaadiid Ia dhaanshuu ahaa gibil ma diidaane

    Guraduu na wada saari jirey gocanayaa mooyi

    Alla wuxuu golxaalow ahaa gedefka reeraaye

    Magaciisu waa gudubsanaa gaaliyo Islaame

    Galbeed iyo Baraa laga yiqiin gololkii dheeraaye

    Gaashaan biruu noo ahaa gocanayaa mooyi

    Adduunyadatan laga guurayo ee gebegebaa taagan

    Ee laga galbaday meesha iyo geeridii Maxamed (NNKH)

    Anuun baa gubtanyoonaya oo geesigii tebaye

    Gartaa u noqday Eebbow ma jiro garangar waartaaye

    Allahayow wax badan baan gefaye Adigu hay goynin Oo geesta

    Nebigii i mari maanta lays gurayo.

    Waxaa dhamaatey aaskii iyo baroordiiqdii marxuun cigaal xiligaas oo uu si toosa wadanka taladiisa ula wareegey madaxweyne riyaale isagoo dadkii iyo dalkii lagu wareejiyeyba halkii ka siiwadey madaxweyne Riyaale…

    Lasoco……