GABOWDAYE GUURTIDA KU BIIR Qalinkii: Liibaan Xaaji Fagadhe

    0

     

    DEELEY DAREENLEY

    RAG ALLOW MADOOXAA

    MA DILAACIYAA NABAR

     

    Waa markhaati madoon  iyomuran reeb waa maalmo ina soo maray oo aynu milicsanayno waa manfac aynu leeney  misne aynu moog nahey ee bal aan miida iyo micnaha udaa dago .

     

    Qormadii 1aad

    MARKA HORE BISMILAAHI ARAXMAANI ARAXIIM, MARKA XIGTA SALIGA NABAIGA
    IYO SUURADAHA QURAANKA(CALEYHI SALAATU WASALAAM)

    Sidaan horeba idiinku sheegey waxaan idiin balan qaadey qormooyin
    isdaba jooga, oo ah dhacdooyin dhaba oo soo marey shacbiga somaliland
    ee soojireenka ah, taasi oo aaney marnaba soo marin wax lagu tilmaamo
    horumar dhaba.
    Shacbiga reer somaliland waa gob aan caalamka intiisa badan laga helin
    waa dad samir badan oo xushmeeya cid kastoo wadanka hogaamineysa ama
    dowlad kastoo wadanka soo marta waa shacbi muujiyey daacadnimo iyo
    xaqdhowr badan waa shacbi u adkeystey dhibkasta oo soo martey .
    Qormadeena ugu horeysa waxaan ku bilaabeynaa in aan wax idinka
    xasuusiyo taariikhdeenii hore ee dawladnimada ee is daba socdey iyo
    hordhaca sheekada anuu mowduuca qormooyinkan aan idiinku faah-faahin
    doono qormooyinkeena dambe.
    Horaantii sanadihii lixdamaadkii saaxiibul xigmaawigii caanka ku ahaa
    suugaanta khaasatan gabeyga oo qaasim la odhan jirey ayaa yidhi
    ISMA DOORIN GAALKAAN DIREY IYO DAARTA KII GALAYE
    Ujeedadiisu waxay ku tacaluqeysey ama aheyd gumeystihii aan direy iyo
    kan aan doorteyba waa isku mid isku si ayey udhaqmayaan, muu helin
    xalka wuxuu se tilmaamayaa in qoladan bay-da dhigtey halkuu gaalkii
    cadaa yuururi jirey aaney waxbaba kaga duwaneyn gaalkii.
    taasi waa mid dhaba oo jirta oo aanu qofna beenineyn oo ah ta ilaa maanta jirta.
    Isla sanadahaa horaanta lixdamaadkii oo xiligaa qaasim uun aheyd ayaa
    ,imaamkii masjid jaamacii hore ee hargeysa Xaaji CIISE XUSEEN ANJHS
    oo tagey xamar ayaa waxa uu qudbad kajeediyey baarlamaanka hortiisa
    waxaanu yidhi xigmad aad u cajiiba oo aheyd
    ISMAAN LAHEYN GAALKII TAGEY DIINTU WEYKA REYSAN MOOYEE WEY U DARSAN DOONTAA.
    taasi waxay kuu muujineysaa ilaa imaamadii iney dhibta xilagaa ka
    hadleen laakiinse aaney dadku waxba ku qaadan oo ay dhagaha ka
    fureysteen.

     

    Jabhadii S.N.M waxa la aasaasay sannadkii 1981-kii. Inta guddoomiye soo martay ayeynu magacyadooda soo bandhigi doonaa.

           Magaca Muddada xilka
    Ahmed Max’ed Guuleed (Ahmed Jimcaale) 1981…….1982.
    Sh. Yusuf Cali Sh. Madar 1982…….1983…
     C/qaadir Koosaar 1983……..1984..
    Ahmed Max’ed Maxamud (Siilaanyo) 1984……..1990
    C/rahmaan Ahmed Cali (tuur) 1990

    May jirin cid c/rahmaan tuur xilka kala wareegtay, waxaanu isku hayey laba xil. Mid m/weyne iyo tan guddoomiyaha S.N.M. markii shirkii boorama lagu doortay m/weynihii max’ed xaaji ibraahin cigaal (ANR) C/rahmaan tuur (ANR) wuxuu sii hayey xilkii guddoomiyaha S.N.M, sababta ayaa lagu sheegay in golihii dhexe ee S.N.M ku heshiin waayey inuu qabsoom  shirweynihii 7aad ee S.N.M oo lagu dooran lahaa guddoomiye cusub  amma la iska daayo
    Bal hada dhugo filkaai lixdankii ahaa ee suugaan yahanka ahaa jiilkii
    ka danbeeyey waxa ka mid ahaa oo aynu soo qaadaneynaa mujaahid alle ha
    u naxariistee la odhanjirey mujaahid AHMED MOHAMED WARSAME jiiniyas oo
    shahiidey sanadihii 1984kii waxaanu mujaahidku ka cadhoodey taliskii
    macangaga ahaa ee uu horkacayey siyaad bare iyo sidii xumeyd ee uu u
    dhaqmaayey una dulqaadan waayey mujaahidku taas oo uu utalaabey
    ciidamadii mujaahidiinta SNM isagoo doorbidey inuu shacbiga lagu hayo
    dhibta u talaabo oo uu dhibkasta u adkeysto iyo rafaadba.
    Hasa ahaatee markii uu tagey ee uu noqdey ciidamada SNM waxa uu
    lakulmey wax aad u yaab badan oo aheyd arintii uu doonayey in
    hanaankeedaa iyo dhaqan xumadeedaasi la bedelo inuu ugu tagey SNM ta
    dhexdeeda. Xiligaas waxa la dooraneyey gudoomiyaha SNM, kaas oo ahaa
    madaxweynaha hada talada haya ee AXMED SIILAANYO waxaanu mujaahidku
    ka tiriyay madashaasi xigmad dhaxalgal ah oo aynu kasoo qaadaneyno
    tuducyadan
    INTEY DHIBIBIDEE HORE INTEY DHIDIDAYEE KALE
    INTEY DHAQAN XUMAATIYO INTEY DHACANTEY MAANDEEQ
    MIDNA KUMA DHADHABAYEE YEEY DHALIILI DOONAAN
    HADEY DHAMA’DO MAANTANA
    MA DHURWAA I HAYSTAAN KU BADALAA DHURWAA KALE
    ALLOOW YAANEY TAASI DHICIN, MISE INAGA DHIIL XOOR
    INAGAMA DHAMAADOO MARKA DHAHAR LA WAAYABA
    DHIQ-LAA SOO BEDELI JIREY. (DHAYALSI Ahmed jiiniyas)

    Markaa bal dib u eega saaxiibul xigmaawiyiintaa mudooyinka ay ka
    hadlayaan inaaney waxba isbadelin, OO SUUGAAN YAHNKAN DANBE jiiniyas
    WAA DUCAYNEYAA EE WELI SUURYADA XALKA MA HAYO.

    sawir
    LASOCO…