Xildhibaanku Kusigiisii Miyuu Luminayaa Hadduu Shaqo Awgeed Mudo Kaga Maqnaado Xildhibaanimada? – W/Q: Ibrahim Ali Adan

    0

    KU! SHIRGUDOONKA GOLAHA WAKIILADA SL

    KU! MAXKAMADA DISTOOORIGA AH EE SL

    KU! GARYAQAANADA SL

    Waxaan maalmahan saxaafada Somaliland ku arkaayey, maqaalo odhanaaya xildhibaanadii ka tirsanaa golaha wakiilada SL ee ku biiray xukuumada sida mudane Moahmed Nuur Caraale Duur iyo mudane Cabdicasiis Samaale, hadii shaqadii wasiirnimada ka dhamaanto kuma soo noqon karaan golaha wakiilada!

    Hadaba waxaan jeclaa inaan su,aashan weydiiyo shirgudoonka golaha wakiilada, maxkamada distooriga ah ee SL iyo garyaanada SL ee arinkaas aqoonta u leh. Su,aasha oo ah!

    XILDHIBAANKU HADUU SHAQO KALE AWGEED MUDO UGA MAQNAANAYO XILDHIBAANIMADISII, MA SIDAAS AYUU KU LUMIYEY MISE MARKA SHAQADII KALE KA SOO DHAMAATO, WUU KU SOO NOQONAYAA KURISGIISII, OO XUBINTII KAYDKA AHAYD EE XILKA SII HAYEY AYAA KA BAXAYSA GOLAHA?

    Anigu ka Ibrahim ahaan waxaan ahaan jirey mudo 4-sano ah xubin kayd u ah xubanaha xusbiga

    Moderatka (Conservative) ee barlamaanka Sweden. Sharciga dalkan Sweden u yaalaana waxaa weeye sidan hoos ku qoran. ka somaliland se weli maan akhriyin!

     

    Tusaale ahaan hadii xusbiga X ku leeyahay golaha baarlamaanka Sweden 12 xubnood oo ka soo baxay ama lagasoo doortay caasimada Stockholm, waxa sidoo kale jira ilaa 6 xubnood oo kayd ah, oo u diyaar ah inay buuxiyaa booska

    • Hadii xubin joogto ahi shaqo darteed uga maqnaato hawshii golaha
    • Hadii xubin joogto ahi geeriyooto
    • Hadii xubin joogto ah xilka laga xayuubiyo
    • Hadii xubin joogto ahi xanuun haleelo
    • Hadii marwada xildhibaan ahi umusho
    • Hadii xubin joogto ahi waxbarasho uga maqnaato hawshii golaha
    • Iwm

    Hadaba waxaa xusid mudan in xildhibaanku ku soo laabanaayo/ku soo noqonayaa kusigiisii xildhibaannimo (hadii uu sidaas isagu rabo) marka!

    • Marka shaqadii ka soo dhamaanto, ama wasiirnimo ha ahaato ama wax kale ha,ahaate
    • Haduu xanuunkii ka ladnaado
    • Waxbarashadii ka soo laabto
    • Hooyadii xiligii nuujintu ka dhamaado
    • Iwm

    Sidoo kale xubintii kaydka ahay waxay dib ugu laabanaysaa kaydnimadeedii sidaasna waxay kaga baxaysaa golaha ilaa inta mardanbe loo baahanaayo.

     

     

    WA BILAAHI TAWFIIQ

    Stockholm, Sweden

     

    Ibrahim Ali Adan
    Former: Member of Stockholm County Council
    Former. SUB Swedish Parliament

    Xoghayaha Kulmiye Sweden

    Ibrahimadan@hotmail.com