OGAYSIIS MUHIIM AH: Qurbajoogga Somaliland ee Woqooyiga America waa inay ka faaiidaystaan fursadda maalgashiga ganacsiga gaarka ah ee SBF (World Bank)

    0

    (Somaliland Diaspora Agency) – Hay’adda  Somaliland Business Fund ee fulinaysa mashruuca  deeqaha maalgashiga ganacsiga Somaliland   waxay ku wargelinaysaa dhammaan  jaaliyadaha Somaliland ee  Woqooyiga America gaar ahaan   magaalooyinka Toronto iyo  Ottawa  ee dalka Canada iyo magaalooyinka  Columbus, Ohio, Minneapolis iyo  Minnesota carriga dalka Maraykanka  inay ka soo qaybgalaan wareegga labaad (Round2) ee  deeqaha yaryar iyo kuwa waaweyn ee maalgashig ganacsiga Somaliland.

    Hay’adda SBF waxay u qabanaysaa kulamo wargelineed  jaalliyadaha Somaliland ee dhamaan magaalooyinka kor ku xusan ku dhaqan ee danaynaya inay  ka qaybgalaan oo ay codsadaan  deeqaha mashaariicda maalgashiga ganacsiga  Somaliland ee wareegga labaad ee Bangiga Adduunku maalgelinayo.

    Sida la ogyahay qurbajoogga Somaliland waxay ku leeyihiin door  firfircoon maalgashiga ganacsigguuza, dhismaha waaxda gaarka ah iyo horumarka guud ee dalka Somaliland.

    Muwaadin ka fikir  inaad codsato deeqahan maalgashi  adigoo kaashanaya  SBF iyo World Bank-ka  oo aad hirgeliso ganacsi  waxtar leh oo dalka looga baahanyahay (Innovative business idea), laguna abuuri karo fursado shaqooyin oo badan ama sii horumariso ganacsi aad hore uga abuurtay  dalkaaga Somaliland.

    Qaybaha ganacsi  la maalgelinayo waxa ka mid ah waxsoosaarka beeraha, kalluumaysiga, beeyada, tamarta, xoolaha, waxbarashada, adeegyada bulshada iwm

    Ka qaybgal kulamada wargelinta ah ee magaalooyinka kala duwan ee Woqooyiga America ka dhacaya  sida jadwalka hoos ku qoran ay hay’adda SBF u dhigtay.

    Faahfaahin dheeraada ka akhriso  www.somalilandbusinessfund.com

    ama www.somalilanddiaspora.org

     

    Sidoo kale,  faahfaahinta ku saabsan qabanqaabada kulamada wargelinta ah ee SBF ku qabanayso magaalooyinka jadwalka halkan hoose  ku xusan, waxad waxka waydiin kartaan haddii aad u baahataan,  Sahra Hassan  sahrao.hassan@yahoo.com ,  Somaliland  Business Fund Office,  Hargeisa

    Please come  up with innovative business idea and enter for in investing your country of origin.

    Hassan Ahmed Yusuf

    Somaliland Diaspora Agency

    Tel:  4081527

    Email:  hassanafgaab@gmail.com

    Hargeisa, Somaliland

     

    HALKAN KA AKHRISO  JADLKA KULAMADA OO DHAMAYSTIRAN:

     

    The World Bank Somprep II Program, and Somaliland Business Fund (SBF)

    Round 2 Outreach Events in North America – Toronto, Ottawa (Canada); Columbus, Ohio and Minneapolis, Minnesota, USA

    The SBF is offering a second Call for Proposals for Grant Funding:

    June 21 to August 10, 2013.

    Outreach events will be held as follows:

     

    City

    Date

    venue

    Times (from – to)

     

    Toronto, Canada

     

    Wed 5th June

    Delta Toronto East

    2035 Kennedy Road, Toronto, Ontario M1T 3G2

     

    7pm-10pm

     

    Ottawa, Canada

     

    Thurs 6th June

    Sheraton Ottawa Hotel

    150 Albert Street, Ottawa, ON K1P 5G2

     

    6pm-9pm

     

    Columbus, USA

     

    Fri.  7th June

    Hyatt Regency Columbus

    350 North High Street

    Columbus, Ohio, USA, 43215

     

    6pm-9pm

     

    Minneapolis, USA

     

    Sat. 8th June

    THE MARQUETTE HOTEL

    710 Marquette Avenue

    Minneapolis, MN 55402-2368

     

    12pm-3pm

     

    Please pass this information to any Somaliland Diaspora (investor groups, business men/women) who are serious about investing in new and existing businesses in Somaliland. You can also go the Somaliland Business Fund website for more information, http://somalilandbusinessfund.com/

     

    Your participation is highly appreciated.