Qarykaa Alle kaa reeb! Ma ducaa mise waa habaar? Bal Adba! – W/Q: Maxamed Xasan Muuse

    0

    Mahad illaahay baa ay dhamaan teed u sugnaatay,koreeye ,inaga dhigay dad islaam ah ku nool dal amni ah . intaa ka dib dadyaw kasta oo caalamka guudkiisa ku nool islaam,gaal iyo cawaanba waxa ay leeyihiin  dhaqano iyo cadooyin u gaara oo ay ka soo gaadheen amaba ay ka dhaxleen awoowyaashood ,sidaas oo kale inana  waxa aynu leenahay dhaqano iyo caadooyin hor leh oo aan tiro lagu sookoobi Karin dhinac kasta oo aad nolasha ka eegto ,balse waayadan danbe waxa aad moodaa inay sii gudhayaan dhamaan dhaqanadii iyo hidihii aynu kusoo dhaqnayanay intii ay noolaynba amaba aynu soo jirnay ,iyada oo aanaya ilaa hada cadayn sababta tooska ah ee keentay guud ahaanba in laga guuro dhaxalkii awooowyaasheen una guurno dhalanteed aduunyo .

    Hadaba sabab kasta oo keentay ha jirtee waxa aan saaka qalinka u qaatay inaan ka ga dhawaajiyo u jeedada ka danbaysa in aynu ka weecano waxa ay nu xaq ulahayn una guurno wax aynaan xaq ula hayn.

    bal ufiirso shalay ahayd waxa lagu faano xoolaha nooli sida geela, lo’da iyo adhiga,gamaanka ,beeraha iyo guud ahaanba nolasha miyigu.

    Bal u fiirso shalay ahayd waxa lagu faano deegaanka aad dagantahay amaba aad ka soo jeedo,

    Bal u fiirso shalay ahayd wax lagu faano shaqada uu qofku hayo ,oo ma shaqayste ama matabcaduhu ceeb ahaa .

    Bal u fiirso shalay ahayd waqti lagu faano midabka iyo samayska ilaahay oo aanu jirin saluug naf ahaaneed ,

    Waxa badalay kuwii hore kuwan soo socda ee bal ila eega oo u fiirsada caqligii wanaagsani I taal inoo ka roon yahay bal eegoo u fiirsada.

    Makula tahay waxa laga faano waxa aynu dhaqaale be u haysano oo ah xoolaha nool iyo miyiga lagu dhaqo oo aynu cayno midh midhka inoogu hadhay ee cagtiisu kusii joogta kuna nidhaa erayo iyo halku dhigyo ay ka mid yihiin badow,geel jire sacmaal,cabdi iyo hal haysyo faro badan oo kale

    Ma kula tahay waxa laga faano halka aad ab iyo isir ahaan ka soo jeedno (miyiga) oo laysu gu soo ururo magaalooyinka oo cid waliba sheegato

    Ma kulatahay wax lagu faano fadhi ku dirir ,afku xoogle ,afmiishaar iyo shaxaad  oo aad ka door bido muruqaaqa iyo maskaxdaada oo xor iyo xalaal ah .

     Midabka midabka akhtar jabiska maariin dhalaal xiga ma wax laga faanaa ?

    Isku soo wada duuduuboo ha ulan wax aanada lahayn, hadaba maxaa ay tahay u jeedada ka danbaysa in la xooro dhaqankeena iyo hidaheena ,waxa marag madoona in ujeedada ugu wayni tahay ilbaxnimo la iska baadhayo oo laga raadinayo meel aan ilbaxnimada sal u ahayn.

    Ogobay garo waa kii abwaanka wayn ee caanka ahi  Mohamed ibraahin warsame( hadraawi) hore u yidhi :-

    Ilbaxnimadu saas maaha

    Hadba suuf karkaro maaha

    Sararaha ba nee maaha

    Qorqor suniyaha maaha

    Dhabanada sibaaq maaha

    Sanka oo la mudo maaha

    Sakhrada iyo xashiish maaha

    Sawir iyo riyaaq maaha

    Filim iyo sarcaad maaha

    Saxan reer galbeed maaha

    Kabo sookal dheer maaha

    Suur iyo durduur maaha

    Salsalow cidkale maaha

    Qof siloon ku dayo maaha

    wax sawaaba noqo maaha

    sinta iyo lafaha duudka sadex goor jajabi maaha

    dhaqankaaga saydh maaha

    soomaali diid maaha

    sidaad doonto yeel maaha

    dhulka oon ku sidi waayin samadoo la koro maaha

    gebo gebo

    guntii iyo gebo gabadii iyo gunaanadkii qoraalku waxa uu idin farayaa ( lama huraan  waa caws jiilaal)

    ee yaan lagu lug gu’in dhalaalka magaalooyinka iyo dhaqanada galbeedka ee si loon oo hal is daba qabateeyo cagtana haloo yara dhigo.

    deeganka

    ninba waxa uu ku taamaa

     ama hees ka tiriyaa

     tixo gabay kusheegaa

     halka lagu talaalee

    hawadiisu taalee

    uurkiisu tabayaa

     si guud

    hido maxaad ku dhaqantaa ?

    hanti maxaad  ku leedaha?

    Hub maxaad ka sidaataa?

    Aduunyadu hir weeyee

    Maxaad haabanaysaaa?

    Maxaad haybinaysaa?

    Nin ragi waa yaqaan nacasna loo sheegi maayo

    Waa ku mahadasantihiin aqriskiina

    Qalinkii: Mohamed Hassan mouse senior student at university of Hargeisa

    Cell phone: 4222836 ama 4228940 telsom  9127521 somtel

    Email: calaydh1989@hotmail.com