Abwaan Cabdiraxmaan Cashuur oo Gabay Baroor-diiq ah ka Tiriyey Geerida Marxuum Abwaan Cabdilaahi Dhoodaan

    0

    Hargeysa (SLpost)- Gabaygan Baroor-diiqda ah oo la magac-baxay (Dhaar-Shil), waxa Curiyey isla markaana ay midhiihiisu Maskaxdiisa ka soo Duxdeen Abwaan Cabdiraxmaan Cumar Cashuur oo ku magac-dheer (Baadi-doon).

    Abwaan Cabdiraxmaan Cashuur
    ABWAAN CABDIRAXMAAN CUMAR CASHUUR (Baadi-doon)

    Tixdan Gabayga ah oo Maanta Soo Baxday, waxa uu Abwaanku ugu baroor-diiqayaa Alle Ha u Naxariistee Abwaankii Weynaa ee Soomaaliyeed Marxuum Cabdilaahi Macalin (Dhoodaan) oo baal-dahab ah kaga jiray Maansada iyo Hal-abuurnimada Soomaalida.

    Abwaan Cashuur waxa uu Gabaygiisa ku bilaabay.

    Raganimo dhaqaaliyo, Intay noqotay dhaameelka;

    Dhur waaguna ugaadhsaday Libaax, Dhidarna Shaash yeeshay;

    Ee dhaanishkii iyo Tuways, Dhaanto lagu sheegay;

    Ee sidii dhijaan Lo’o u babliya, Arartii dhooqoowday;

    Eey dharaska heesihii noqdeen, Gabayna dhuux daayay;

    Xasanoow intay dhalan rogeen, Xaajadaa dhabaqday;

    Amaba iguma soo dhicin, Tixihii dhaarshilka ahaaye;

    Caawana waxbaa igu dhashee, Kuma dhaqaaqeene;

    Anigoon halkiisii dhigayn, Dhawr midh aan idhaahdo;

     

    Dhayal maaha dhaqankeeniyoo, Oo maanta  tiir dhacay;

    Dhidibada hayuu ka mid ahaa, Macallin Dhoodaan;

    Alaylehe dhisbaa dumay, Murtida dhimashadiisii;

    Inkastoo nin lagu dhaata iyo Naga dhamaan geesi;

    Da’kastoo ku dherersada, Wuxuu kalahaa dheeraade;

    Dhankii loo dayaba, Wuxuu ahaa hohe ma dhaafaane;

    Dhif baanu dunida ku ahaa, Xiligan wiil dhigi ahiye;

    Dhul tol buu ahaa, Sharaf dadnimo loo dhamaystiraye;

    Ku dhaca iyo dhiiranida xaqa, Godob ka dheeraanta.

    Fool xumida laga dhiidhiyiyo, Dhawrista Xuquuqda;

    Wuxuu dhan uga joogsaday, Waqii baadil dhinac saar;

    Ama igula dhuuq’oo, Dulmiga dhabaqso xaaraan;

    Dhaawaca Milgiyo wuu nebcaa, Dhuuni raacabe’e;

    Cabdilaahi dhaqan iyo hidaba, Wuu u dheeliyay;

    Dhawaqiisu maankiyo, Caqliguu dhaymo u ahaa;

    Siday dhagaxa uga soocan yiin, Dheemantiyo Luulku;

    Dheeh buu ahaa, Gobonimo aad u dhumuc weyn;

    Dhaxal buu ka tagay, Hagar la’aan looga dhaansaday;

    Wuxuu dhiilkastaba kuugu shubay, Dhayda Maansada;

    Markuu uu sidii uu dhool onkoday, Dhuunta ka higaadsho;

    Xigmad dhilan, Nasteexada dhabta ah, Dhudaha Suugaanta;

    Ku dhirbaaxa tuugiyo, Bidcada diinta  ugu dhuuntay;

    Dhibiiqiyo Gabaareey, Bulshada been ku dhagawaysay;

    Dhuuga iyo kelidii dilaha, Dhiiga ka idleeyay;

    Dhufatada iyo Huryada, Markuu ku Dhangadaynaayay;

    Dhextaaloo qudhaa kugu filnaa, Midhaha Dhoodaan;

    Wax sheeg inoo dhamee, Gabay hadaad dhego u leediine.

    In dharaarba qaar fuulayaan, Dhooligii Malaga;

    Oon Cidina dhaafayn, Markuu dhalaw yidhaa Taymku;

    Anoo dhug u leh, Iilkiyo qabriga la isku dhaabayo;

    Hayeeshee Naftay dhalan u tahay, Dhaygag iyo Yaabe;

    Denbi dhaaf, Su’aalo dhibyar iyo Soo dhawayn Qurux ah;

    Ilaahay Miciisii ha ka dhigo, Nebigii Dhoodaane;

    Jase aan dhamaan iyo Nimcada ha ugu Dhaashiyo’e;

    Kobtaasaan Dhanbaalkii Tacsida, Awgayoow dhigaye;

    Kaama dhergin karo Gabay, Nimaan Dhoocir ku ahayne;

    Dhabaclahaba reer kama Cabbaan, Waana dhibic roobe;

    Waxaan dharaq ka doon doonayaa, Dhaayin oo Jaqane;

    Waa dhaban geddiga, Waxay Tixdan la dhutinaysaaye;

    Sacabkaan dharuurkii galshada kuugu dhurayaaye;

    Hadii aad dhaliil ku aragtuu, Kuu dhadhami waayo;

    Hal abuurku ha inagaga dhaqdhaqo, Igu yar dhaamaa;

    Allaa  Mahad  Leh