DAAWO – Kooxda Qaadaysa Koobka FA-ga Ingiriiska oo laga filayo natiijada Kulan Saacado ka hadhsan yihiin

    0

    London (SLpost)- Kooxaha Chelsea iyo Manchester City oo Goor dhow u ballansan kulan ka tirsan tartanka koobka FA-ga Ingiriiska oo marxaladdiisa Semi-finalka maraya, ayaa la filayaa in Guusha Koobkaasi ku xidhan tahay natiijada kulankooda oo 6:00-da fiidnimo ku qabsoomaya garoonka magaalada London ee Wembley.
    chelsea_CityKooxda Wigan oo shalay la ciyaartay kana badisay kooxda Minwal, ayaa taagan Finalka Koobkan isla markaana sugaysa hadba kooxda guulaysata Chelsea iyo Manchester City, iyada oo bisha Soo Socota Final-ka koobkan lagu qaban doono Garoonka Wembley.

    Kooxda Final-ka Taagan ee Wigan, ayaa kala horeynta dhibcaha Horyaalka Ingiriiska Xagga hoose kaga jirta, waxaana ka hooseeya oo kaliya kooxaha QPR iyo Reading, halka kooxaha caawa ku tartamaya Semi-finalka ay kaga jiraan Horyaalka Kaalmaha Labaad iyo Afraad.

    Chelsea iyo Jidka ay ku gaadhayso Wembely

    Ciyaartoyda lagu bilaabi doono Chelsea

    Bilowga:

    Cech,

    Azpilicueta, Ivanovic, Luiz, Bertrand,

    Ramires, Mikel,

    Hazard, Mata, Oscar

    Demba Ba 

    Beddelka:  Turnbull, Terry, Ake, Lampard, Benayoun, Moses, Torres

     

    Manchester City iyo Jidka ay ku gaadhayso Wembely

    Ciyaartoyda lagu bilaabi doono Manchester City

    Bilowga:

    Pantilimon

    Zabaleta, Kompany, Nastasic, Clichy,

    Y Toure, Barry,

    Milner, Tevez, Nasri,

    Aguero

    Beddel: Hart, K Toure, Lescott, Kolarov, Garcia, Sinclair, Dzeko

     

    sports@somalilandpost.net