Maanso: Hargeysa – W/T: Cabdiraxiim Cismaan Maxamed.

    0

    Maansadani waxa ay tilmaamaysaa u soo hillawga qofku u soo hilloobo dalkiisa iyo dadkiisa waxaanu Hal-abuurku ku sifaynayaa Hargeysa iyo sida ay kashiisa ugu sawiran tahay, waxaanu tibaaxayaa waxyaabaha ay Hargeysi ku caana maashay iyo tilmaamaheeda .

    Hor Allee dharaartaan

    Ka hadaafay gayigeen

    U baqoolay hawl kale

    Hurdo saani uma bogan

    Hiyigaygu goornaba

    Hagaag uma shaqaynoo

    Hoygaan ku ababiyo

    Hargeysuu tabaayoo

    U harraadan yahay wali,

    Garaadaw haddeertana

    maankani hugmaayaa

    Halaan-hal buu i leeyay

    Dhimbiil igu huraysa

    Hogaynaysa laabtoo

    Dal-tabyadu hubaysee

    Hawraarta maansiyo

    Dhakhso hees u qaadoo

    Hiimada ilmada kulul

    Aan u helo ayaan qudha

    Hawraar dawaysiyo

    Heello aan ka daawado

    Hargeysiyo dadkaygii,

    Aniguna Hargeysaa

    Hooyadii dalkaygaay

    Halbeegii dhulkaygaay

    Hadhac lama huraaneey

    Hoos lagu qaboobiyo

    Hogol lagu badhaadhaay

    Hoodiyo barwaaqooy

    Hoy nabad ku caanaay

    Inaan kugu hadaaqoo

    Hibashada naftaydani

    Kugu hirato adigoo

    Hillaacaagu ii baxo

    saw ma tihid halbawlaha

    dhiigayga habayiyo

    Hedda aan ku nooliyo

    Hawadaan ku soo koray,

    Herereey Hargeysaay

    Hoy baad ku leedahay

    Hareeertayda bidixoo

    Wadnahayga Hoos yaal

    Hantidaada weeyoo

    Adaan kuu hilloobee

    Hargeysaay ma nabad baa ?

    Haabkayga kama go’in

    Ciidaada hodankiyo

    Xareedaada hoortiyo

    Caanihii hor-weyntiyo

    Hibaaqii dhirtaadee

    Hobaladu amaaneen,

    Nafi waxay u hotayaa

    Hawl yari ku gama’daa

    Meel aanay hiifiyo

    Ka soo gaadhin hadimoo

    Haybadeeda sharaftiyo

    Hantideeda lagu dhicin,

    Waxa loo hayaamaa

    Badi loo han-weyn yahay

    Nafta lagu hagaajaa

    Hoy laga samaystaa

    Meel aanay huriniyo

    Hayb-hayb qabiiliyo

    Hal-gaad aan lahaynoo

    Loo wada hammuun qabo,

    Lama hura Hargeysaay

    Halalkaa sareen dhigay

    Adigaa ku hodanoo

    Astaantaadu waa hibo

    Hablo-naaso kugu taal,

    Hormoodkii xorriyadaay

    Himilada dalkaygiyo

    hagihii aqoontaay,

    Hagoogtii saboolkana

    Halasaha ka dhawrtiyo

    Barta loogu hiishaay,

    Hanqal taaga xiisaha

    Ma hilmaamo ruuxii

    Hargeysaay ku soo maray

    Kugu laday habeen qudha,

    Hubaal weeyi Herereey

    Hinqashada xagaagiyo

    Inuu kugu hawaawiyo

    Hal-hayskiisa kaa dhigo,

    Hiddo diintu hagaysiyo

    Hoo ruux ku caan baxay

    Hidin iyo waxsiinba le,

    Halyay geesi hanadoo

    Hal-qabsiyo tilmaanba leh,

    Haween gaari qalanjiyo

    Hufnaaniyo hubqaadba le,

    Hal-abuur murida hela

    Waayeel murtida haga

    Hal-adayg u dheer yahay,

    Adigaa ku hodanoo

    Astaantaadu hibo tahay

    Hablo-naaso kugu taal,

    Hargeysaay ha dheeliyin

    Sahraa kuugu heestee

    Maantana hormoodiyo

    Meel la hiigsadaad tee

    Ha hantaaqmin waligaa.

    Waxa tiriyay: Cabdiraxiim Cismaan Maxamed

    Email: Guudle-11@hotmail.com

    Email: ibnuothman.mohamed@facebook.com