Ceerigaabo: Maamulka Degmada iyo Gobolka oo Daah Furay Dugsi Cusub (DAAWO)

    0

    Ceerigaabo (SLpost)- Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Iyo Maayar Ku Xigeenka Degmada Ceerigaabo, ayaa Maanta Daah Furay Dugsi Si Bilaash Ah Waxbarashada Ugu Faaiidayn Doona Dadwaynaha Reer Ceerigaabo Dugsigaasi Oo Laagu Macag Daray Dalkaab

    Waxana Munaasibadii Furitaanka Dugsigaasi Kasoo Qayb Galay Gudmiyaha Gobolka Sanaag Gudomiye Ku Xigeenka Gobolka Maayar Xigeenka Degmada Ceerigaabo Isuduwayaasha Wasaradaha Qorshaynta Iyo Arimaha Bulshada Xildhibaanada Golaha Degaanka Salaadiin Cuqaal Guurti Aqoon Yahano Ganacsato Iyo Marti Sharaf Kale

    Ugu Horaynbana Waxa Halkaasi Ka Hadlay Gudomiyaha Ururka Dhalin Yarada Dalkaab Ee Dugsigaasi Furay Axmed Yousof Tarafiko Oo Ka Warbixiyay Ula Jeedada Loo Aasasay Dugsigaasi Iyo Cida Wax Ku Baran Doonta Oo Usshegay Inay Ugu Tala Galeen Barashada Tacliinta Iyo Weliba Farsamada Gacan Ta Qaarkeed Ayna Ubixin Doonaan Si Bilaash Ah

    Maayar Ku Xigeenka Degmada Ceerigaabo Saalah Ismail Cabaase Ayaa Isaguna Ka Hadlay Furitaanki Dugsigaasi Waxanu Uu Tilmaamay In Dhalin Yarada Ururkani Dalkaab Ay Ka Dawlad Hoose Ahaan Si Hagar La Aan Ah Ula Shaqayn Dooonaan

    Waxa Iyaguna Munaasibadaasi Ka Hadlay Xubno Ku Hadlayay Afka Ururka Dalkaab Oo Dhamaantoodba Sheegay Sababaha Uu Ku Yimi Aasaska Dugsigaasi Kana Warbixiyay Taarikhda Ururkaasi Dalkaab

    Isuduwayaasha Wasaaradaha Qorshaynta Iyo Arimhaha Bulshada Xildhibaanada Golaha Degaanja Salaadiin Cuqaal Guurti Iyo Ganacsato Oo Dhamaantoodba Munaasibadaasi Ka Hadlay Ayaa Ururka Dhalin Yarada Dalkaab Ee Dugsigan Furay Ubalan Qaaday Inay Hiil Iyo Hooba La Garab Tagaan Yihiin

    Gaba Gabadii Madashaasina Waxa Soo Afmeeray Gudomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Muxumud Geele Dacar Oo Dhalinyarada Ururka Dalkaab Iyo Dadki Madashaasi Ka Soo Qayb Galayba Hoga Tusaaleyay Muhiimada Wax Barashada Iyo Faraqa Udhexeeyay Jahliga Iyo Cilmiga

    Intaasi Ka Dibna Waxa Gudomiyaha Gobolka Sanaag Iyo Maayar Ku Xigeenka Degmada Ceerigaabo Ay Shahaado Sharaf Gudoonsiyeen Xubno Ururka Dhalinyarada Ee Dalkaab Uu U Aqoon Saday Inay Yihiin Shaqsiyaadka Ugu Fir Fircoon Ee La Shaqeeya Urkoodasi

    Sikastaba Ha Ahaate Ururka Dhalin Yarada Ee Dalkaab Ayaa Kamid Ah Ururada Dhalinyarada Ee Si buuxda Uga Shaqeeya bulshada Gobolka Sanaag.

    Mohamed Yousof Bakayle

    Mbakayle@gmail.com