TACSI KA TIMID LA-TALIYAHA DHAQAALAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA

TACSI GEERIDA MAYOR YUUSUF WARSAME SICIID
Waxaan tacsi u dirayaa ehelka, ubadka, tafiirta kale, gacalka, qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta uu marxuum
MAYOR YUUSUF WARSAME SICIID ka tegay meel kasta oo ay joogaanba . Sidoo kale waxaan tacsi u dirayaa shacbi weynaha Somaliland , gaar ahaan gobalka Maroodijeex  iyo Golaha degaanka caasimadda .
MAYOR YUUSUF WARSAME SICIID taariikhdiisa oon la soo koobi karin waxaan ka qori aaska dabadi.
Waxuu ahaa hormood Injiineer architect ah oo haysta licenka dalal badan oo Yurub ah. Nin dhismayaasha uu dhisay yihiin qaar ka muuq dheer wax kasta oo la ag dhigo carada Soomalida.
 Â
Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu u naxariisto oo uu janatal fardows ku abaal mariyo, innagana dhammaan inaga siiyo samir iyo Iimaan.Â
Ahmed Hassan Arwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga
Hargeysa.

