Madaxweyne Siilaanyo oo Magacaabay Taliye ku-xigeenno Cusub iyo Abaan-duulaha Labaad ee Ciidanka Qaranka

    0

    Hargeysa (SLpost)-  Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa digreeto uu caawa soo saaray oo sumaddeedu tahay JSL/M/XERM/249-1554/022013, waxa uu taliye ku-xigeenno labaad ugu magacaabay Ciidamada Booliska iyo Asluubta Somaliland, halka digreeto kale oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1553/022013 oo isla caawa uu soo saaray uu ku magacaabay Abaan-duule labaad oo Ciidanka Qaranka Somaliland Yeesho.

    Sida lagu sheegay War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, Madaxweyne Siilaanyo waxa uu Taliye ku-xigeenka 2aad ee Ciidanka Booliska u magacaabay Daahir Cali Wacays halka Taliye ku-xigeenka 2aad ee Ciidanka Asluubta uu u magacaabay Cali Cumar Axmed oo sidoo kale noqonaya La-taliyaha Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda.

    Warsaxaafadeedka magacaabista labada taliye ku-xigeen ayaa u dhignaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu caawa digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1554/022013 ku magacaabay taliye ku xigeenka labaad ee booliska JSL iyo Taliye ku xigeenka labaad ee Ciidanka Asluubta JSL.

    MADAXWEYNUUHU:-

    Markuu Arkay:  Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, ee xarafka (d) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

    Markuu Arkay:  Ahmiyadda ay Ciidanka Booliiska iyo Ciidanka Asluubtu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

    Markuu Arkay:  In baahi loo qabo buuxinta jagada Taliye Ku-xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliiska JSL iyo Taliye Ku-xigeenka Labaad ee Ciidanka Asluubta JSL;

    Markuu Tixgeliyey: La-tashiga Madaxda ay arrintani khusayso;

    Markuu Ku Qancay:  In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

    Wuxuu go’aansaday

    1. In Mudane, Daahir Cali Wacays, laga bilaabo taariikhda Xeerkan uu ahaado Taliye Ku-xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliiska JSL.

    2. In Mudane, Cali Cumar Axmed, laga bilaabo taariikhda Xeerkan uu ahaado Taliye Ku-xigeenka Labaad ee Ciidanka Asluubta JSL, ahna La Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka.”

    Sidoo kale, madaxweynuhu waxa uu Abaanduulaha labaad oo ciidanka Qaranka Somaliland u magacaabay Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax).

    Warsaafadeedka magacaabista masuulkan oo ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxtooyada, ayaa isaguna u dhignaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1553/022013      ku magacaabay Abbaanduulaha Labaad ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

    MADAXWEYNUUHU:-

    Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

    Markuu Arkay: In baahi loo qabo in la dardar-geliyo hawlaha Ciidanka Qaranka;

    Markuu Tixgeliyey: La tashiga Madaxda ay arrintani khusayso;

    Markuu Arkay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

    Wuxuu go’aansaday;

    In Mudane, Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax), laga bilaabo taariikhda Xeerkan uu ahaado Abbaanduulaha Labaad ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.”

    Magacaabista Saraakiishan cusub ayaa ku soo beegmaya wakhti Xukuumaddu diyaar-garaynayso Bixinta Darajooyinka Ciidamada kala duwan ee dalka.

    SOMALILANDPOST.NET