Maah Maaho Cusub Abwaan Axmed Cabdilaahi Maxamud Axmed Fartaag

    0

    Abwaan-Axmed-Cabdilaahi-Maxamud-Axmed-FartaagMaah Maaho Cusub
    Abwaan Axmed Cabdilaahi Maxamud
    Axmed Fartaag

    1 Bilawga fiican ayaa keena dhamaad fiican
    2 Walaalkaa iska riix aday wax ku yeeshaa
    3 Dalba waa dadkiisa
    4 Wadani waakii wax tara
    5 Gaajaa ruuxa gubta
    6 Guga guunyadaa dhala
    7 Godka Iyo geedkuba waa gabood
    8 Waqtigoo adkaadiyo warar waayaha dhala
    9 Geel dhalay baa gorof loo cushaa
    10 Hadh-qaboow hurdaa taal
    11 Hambaa laga hanwayn yahay
    12 Xoolaha xeraa midaysa Dadkana xeerbaa mideeya
    13 Qofna wuu dhaqdaa Qofna wuu dhaxlaa
    14 Geedi aan la degayn lama guuro
    15 Qof baa ku dhici mooyee isma odhan qudhaanjaa ku dhici
    16 Halyay baa horseed laga dhigtaa
    17 Nina xoogiisaa lagu xisaabtamaa
    Nina xoolihiisaa lagu xisaabtamaa
    Nina Xiniintiisaa lagu xisaabtamaa
    Nina xeeladiisa lagu xisaabtamaa