Maxaa Sababa Cudurka Iskitsoofiriiniyada (schizophrenia)?

    0

    Waxaa jira aragtiyo badan oo isku dayay inay sharaxaan iskitsoofiriiniya.

    Sababta keenta lama yaqaano, laakiin waxyaabaha qaarkood ayaa la arkay inay dadka yeeshay iskitsoofiriiniya ay dadka kale kaga duwan yihiin:

    • Waxaa laga yaabaa hab-dhiska maskaxda dadka qaba iskitsoofiriiniya aanay caadi ahayn.

    • Isbeddelo ah qulqul dhiigga oo naqan oo ka dhaca qaybo gaar ah oo ah maskaxda.

    • Moolikiyuulo kiimiko oo maskaxda ka dhambaal qabteyaal ayaa ku yar qaybahaa gaarka ah ee maskaxda.

    • Meelaha dheecaanku ku jiro (lateral ventricles) maskaxda oo weynaaday.

    • Marinada dareemeyeesha isgaarsiinta oo aan caadi ahayn qayb maskaxda ka tirsan.

    • Waxaa jira marag-kac ah in dadka hidde ahaan nuqul uu waayaha daran iyo daroogooyinka balwad ahaan loo qaato sida xashiishta iyo kookayn ay ku kicin karaan iskitsoofiriiniya.

    • Cilmi-baadhista ayaa tilmaamaysa in cudurkan laga helo ama ay leeyihiin qoysaska qaarkood, laakiin halista in qofka ay ku dhacdo iskitsoofiriiniya, haddii qof qoyskiisa ahi qabo, way yar tahay.