BAROOR-DIIQ: (Ma Baxay Halyeygiyo Halgamaagii Gaariye!)

    0

    Illaahay geerida iyo masiibooyinka kaleba haynaga furdaamiyee, sanadkan 2012-ku waa sanadkii murugada xagayga, waayo waxa iga baxay dad badan oo noloshayda qiima weyn ku lahaa. Isniintii oo ay taariikhdu tahay 1/10/2012 ayaa iyana noqonaysa maalin mugdi iyo madaw badan oo lasoo deristay dhamaan ummada afka Soomaaliga ku hadasha gaar ahaan reer Somaliland oo uu ka baxay
    udub-dhexaadkii suugaanta Abwaan iyo Mujaahid Maxamed   Xaashi Dhamac Wacays (Gaariye). Waxaan Ilaahay uga baryaynaa inuu janadii fardowsa inoo geeyo; aduunyo qiima malahee, inagana inaga yeelo kuwii ku cibra qaata aamiin.

    Hoogtooy adduunyooy
    Habeen looma hoydaay
    Habaas iyo mur dacareey
    Habaw iyo jid dheereey
    Dadka kii haybadliyo
    Hanadkaba il-duufaay
    Doqonkiyo hangoolkiyo
    Dadka kii hilmaamaba
    Hore uma hujuumtide
    Ma baxay halyeygiyo
    Halgamaagii Gaariye!

    Halgan iyo dagaaliyo
    Hantaaqadii shalaytiyo
    Imisuu hayaan dheer
    Usoo huray dadkiisoo
    Hawraarta maansada
    Iyo hadalkiisa toolmoon
    Ugu hidiyay dumarkiyo
    Habaqlaha la duudsiyay!

    Imisuu haraatiyo
    Hareef iyo dhibaatiyo
    Hanjabaad usoo maray
    Dulmi ruux hadhsanayoo
    Ku halaanhalay xaqiisii!

    Imisuu haweenkiyo
    Dulmanaha u hiishoo
    Heeggan ugu jiray!

    Imisuu heelladiyo
    Heemaalka dhaqankiyo
    Ku habay jidkoodii!

    Imisuu hadhuub-gaal
    Hami ugu dabooloo
    Aduunyada hadheeyay!

    Imisuu halyey iyo
    Soo saaray hanadoo
    Hididiilo xoogliyo
    Afka hooyaba baray!

    Geeridu haq weeyee
    Hayin lagu badhaadhiyo
    Dadka kii hadheeyiyo
    Kol hadii abwaankiyo
    Naga baxay halyeygii
    Maansadii haldoorkiyo
    Heesihiisa guunkiyo
    Hogga-tusaalihiisiyo
    Higaadiyo afkuu qoray
    Ardayduu hanuunshiyo
    Da’ yartii ku heesaan
    Gaariye wuu hoydee
    Magaciisii muu hadhin!

    Haddaan galiilyadiyo
    Baroortaba hadaltiro
    Dumarkuna hengel iyo
    Hagoog wada xidhaan
    Waxba maan hagaajine
    Ducaan ku huwinayaa

    Allow su’aalaha hadhee
    Qabrigiyo hadhowtaba
    Ku haddee jawaabtoo
    Hore hore u garansii

    Allow hoy wacaniyo
    Haweenayda jannadiyo
    Ku casuum halkii roon

    Allow durdurkiyo haraha
    Hareeraha fardawsiyo
    Ku hagaaji meel wacan

    Hal-abuurre: Khaalid Kileesh
    Email: kooshin955@gmail.com
    Hargeisa, Somaliland