Hal-xus: Tix Duco, Xus iyo Baroor-diiq U Ah Abwaan Gaarriye, By Siciid M Gahayr (Hargeysaawi)

    0
    Siciid Maxamuud Gahayr

    Maansadan magaceedu yahay Hal-xus waxa ay baroor-diiq iyo duco u tahay Hal-abuurkii, Halgamaagii, Barihii Sare, Mufakarkii iyo Cilmi-baadhihii Weynaa Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) ee ka baxay guud ahaan Ummadda Afka Soomaaliga ku hadasha, gaar ahaanna bulshada reer Somaliland isaga oo ahaa halyeey loo aqoonsanaa Abwaanka Qaranka Somaliland, sidoo kalena ahaa Aabbaha/Daah-furaha Miisaanka Maansada Soomaaliyeed. Laabtaydana ku leh xusuus maguuraan ah, anigoo ka mid ah dadka nasiibka u helay inuu macallin u noqdo Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)

    Waa maanso ku hal-qabsanaysa abwaanno iyo qoraayo caan ah sida Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi), Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), Xasan Xaaji Cabdillaahi (Ganay), Jamaal Cali Xuseen, Axmed Aw Geeddi Maxamuud (Dheeraad), Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) iyo Maxamed Saleebaan Cumar.

     Waana kuwan meerisyadii maansada Hal-xus:

    Jamaaloow huq gaariyo

    Anigoon lur iyo hawl

    Hagardaamo igu dhicin

    Hurdadoo an diidiyo

    Ilmadayga “hiliq” tidhi

    Waxa beeray hibashada

    War uu haatuf keenoo

    Noorweey halkeer uu

    Hudhud soo xambaaroo

    Hargeysiyo dhulkii yimi

    Ifku waa hayaanoo

    Wadka lama huraayee

    Maantana Hadraawoow

    Hal-abuur mug weyn iyo

    Waxa baxay horseedkii

    Hawraarta maansada

    Kala-haadinteediyo

    Hal-beeggeeda miisaan

    Habigiisu daah-furay

    Halyey Maxamed Xaashaa

    Xaqi uu haleelee

    Had la baajin maayee

    Weynuhu hoggiisiyo

    Kuma hoojo iilkee

    Hoodada Niciimiyo

    Hooskii Farduusiyo

    Hoobaan jannada taal

    Hohobtii ha siiyoo

    Ha ka dhawro hadimiyo

    Hurgumada cadaabkana

    Weedhsame hubaashii

    Intuu hooystay guul baan

    Hiyigiyo garaadkiyo

    Ka tirmaynin hanaqoo

    Suugaanta hodankaa

    Inta uu Ha iyo Waw

    Gabayada hal-hayskaa

    Hagarlaawe tiriyaa

    Taariikhda aan hadhin

    Ka hillaacaysoon abid

    Haadaan ka dhici karin!

    Geeddoow hanaayiyo

    Halasii darraadee

    Hubka laysku weeraray

    Hal-abuur nabdayniyo

    Ergaduu ka hidiyiyo

    Dabataxan higaaddii

    Heshiisiisay uunkaa

    Weligeed hiraysoo

    Hoggaankoo qalloocdaa

    Hirdi baaba’ dhaliyee

    Ganayoow hillaaddii

    Keli-telisku ku habsaday

    Maamulkii habboonaa

    Gaarriye hormood noqoy

    Hangash iyo bahdeedii

    Hootada ku tuuroo

    Libta aynu haynniyo

    Gobanimo horseedoo

    Halgankii wuxuu galay

    Door lama hilmaamaan

    Hanad Maxamed Cumaroow

    Bare hawl-karnimo iyo

    Hal-samaan ku caanoo

    Habka dhigista Eebbuhu

    Hibo uu u siiyo

    Heersare ku gaadhiyo

    Wuxu haa hal-doorkii

    Hoobaan duruuseed

    Ardaydoo dhan hagar li’i

    Habeenkiyo dharaartaba

    Si hufnaan leh barayoo

    Kuman loo han-weyn yuu

    Hal-muceed ku ababshaa

    Aqoontiisa hanatoo

    Dhaxalkiisi hoobaaq

    Kuma hoobanaayee

    Hiyigaan ku haynaa

    Booboow nin hanadaa

    Hal-adayg lahaadoo

    Hiifaaya beentoo

    Bir hadday ka adag tahay

    Runta aan hareer marin

    Hanka iyo wanaaggana

    Hunka laguma doorshee

    Wuxuu haa hoggaankii

    Deelleeyda huriyee

    Madaxdii habaarnayd

    “Hakadaay” ku yidhiyoo

    Hoseeggay wadeen buu

    Hadh cad ugu addimayoo

    Guddoonkiisu hirashiyo

    Hambalyuu mudnaayoo

    Ma ahayn nin habawoo

    Garta eexa hidiyee

    Cadliguu had iyo jeer

    U ahaa dhabtii hiil!

    Hiddihii Suldaan buu

    Hilinkiisa raacoo

    Haybtiyo qabiilkana

    Hadafkuu ka doortoo

    Hadhac buu ahaa geed

    Dadku wada hadhsanayoo

    Haro qaabaddeeduu

    Cilmigii harraadkiyo

    Hammuuntaba u reebee

    Waxba yaanay heelladu

    Hore iila soconnine

    Had la baajin maayee

    Weynuhu hoggiisiyo

    Kuma hoojo iilkee

    Hoodada Niciimiyo

    Hooskii Farduusiyo

    Hoobaan jannada taal

    Hohobtii ha siiyoo

    Ha ka dhawro hadimiyo

    Hurgumada cadaabkana. AAMIIN, AAMIIN, AAMIIN

    Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

    saedmgahair@hotmail.com

    Hargeysa, Somaliland