Hubka Nukliyeerka ee IsraelHubka nukliyeerka ee Israel waa arrin si weyn looga doodo caalamka, sababtoo ah Israa’iil si rasmi ah uma qirto mana diido inay haysato hub nukliyeer. Siyaasaddan waxaa loo yaqaan “nuclear ambiguity” (ama amimut), taas oo macnaheedu yahay in dalka uu ka aamuso jiritaanka hubka.
- Qiyaasta hubka nukliyeerka Israa’iil
Hay’adaha cilmi-baadhista hubka sida Stockholm International Peace Research Institute (SIPRI) waxay ku qiyaasaan in Israa’iil ay leedahay Qiyaastii 80–90 madax nukliyeer (nuclear warheads), kuwaas oo qaarkood diyaar yihiin qaarna ay kaydka ku jiraan.
- Meesha uu ku Yaallo
Barnaamijka nukliyeerka Israa’iil waxaa la rumaysan yahay inuu ka socdo xarunta Negev Nuclear Research Center oo ku taal magaalada Dimona. Xaruntan waxaa la dhisay 1950-meeyadii iyadoo taageero ka helaysa France.
- Sida ay u isticmaali karaan (Delivery systems)
Hubka nukliyeerka Israa’iil waxaa la rumaysan yahay in lagu ridi karo Gantaallo ballistic ah Sida Gantaalka Jericho III Oo gaadhi kara kumannaan km.
Waxa kale hubkan lagu xambaari karaa Diyaaradaha dagaalka ee F-15 Eagle iyo F-16 Fighting Falcon. Sidoo kale waxa qaadi kara Maraakiibta Suuqa (Submarines) sida kuwa Dolphin-class kuwaas oo la rumaysan yahay inay qaadi karaan gantaallo nukliyeer.
Tani waxay Israa’iil siinaysaa waxa militariga lagu yidhaahdo “nuclear triad” oo ah inay ku isticmaali karto dhulka, hawada iyo badda.
- Israa’iil iyo heshiiska nukliyeerka
Israa’iil ma saxiixin heshiiska Nuclear Non‑Proliferation Treaty (NPT). Sababta ay ku sheegaan waa arrimo amni oo gobolka Bariga Dhexe la xiriira.
- Sidee lagu Bilaabay Samayntiisa?
Barnaamijka nukliyeerka Israa’iil wuxuu si weyn u horumaray xilligii ra’iisul wasaarihii hore David Ben‑Gurion. Waxaa kaloo dunida u shaaciyay sirta nukliyeerka Israa’iil sanadkii 1986 nin la yidhaahdo Mordechai Vanunuoo ahaa shaqaale ka tirsanaa xarunta Dimona.
- Gunaanad:
Inkasta oo Israa’iil aanay si rasmi ah u qiran, inta khubarada militariga iyo hay’adaha caalamiga ah waxay aaminsan yihiin in Israa’iil ay tahay dalka kaliya ee Bariga Dhexe ee haysta hub nukliyeer


