Ciidanka Ammaanka Somaliland oo Shiishyahanno Shacabka Tooganayey ku Qabtay Boorama

    0

    Boorama (SLpost)-Ciidanka Ammaanka Somaliland, ayaa caawa gacanta ku dhigay Afar Nin oo Shiishyahanno (Snipers) ah oo isticmaalayey qoryaha toogashada beegsiga ah lagu fuliyo oo dawlado kale soo direen, waxaana lagu raad joogaa tobaneeyo kale, sida uu sheegay Wariye Sidiiq Burmad.

    Shacabka Boorame ayaa qaarkood sawirro qaarkood si qarsoon looga qaaday nimankan Baraha Bulshadda ku baahiyey gelinkii dambe ee maanta, ilaa xalayna dadka qaar ayaa ka digayey in Shacabka gaar loo Tooganayo, taas oo la ogaaday markii Ciidanka Somaliland magaalada ka baxeen.

    Sida sawirka ka muuqata, waxay Dadku tilmaamayeen in Dhismaha Fooqa uu saaran yahay Nin Shiishyahan ah oo aan Ciidanka Somaliland ka tirsanayn oo dhar shacab xidhan, kaasi oo Shacabka Tooganaya.

    Shacabka qaarkood, ayaa laamaha Ammaanka ka codsaday in Ninkaasi laga soo dejiyo fooqa oo ku yaalla Agagaarka Jaamacadda Eelo, kaas oo dad badan ku toogtay agagaarka Dhakhtarka weyn ee Boorama. Balse Rag badan oo kale, ayaa la sheegay inay magaalada ku jiraan oo ay hawsha wadeen ilaa Jimcihii oo dad badan lagu dilay bannaan-baxa shacabku sameynayeen.

    Warkan ayaa muujinaya in Gacmo shisheeye ay ku dhex jiraan Boorama, kuwaas oo ujeeddadoodu tahay si shacabka loo kiciyo marka la xanuunjiyo oo ay si ka adag sida hadda ay uga horyimaaddaan Dowladda Somaliland.

    In kasta oo weli aanay si rasmi ah u soo bandhigin Ciidammada Ammaanka Somaliland Afarta Qof ee la sheegay in la qabtay ee Shacabka laynayey iyo warkooda toona, haddana waxa la filayaa inay si dhaqso ah u soo bandhigi doonaan Xogta Shiishyahannada ay ku qabteen Boorama.