“Madaxweyne Sidey isu Waafaqayaan Aqoonsigii aad December ballan-qaaadday iyo tallaabooyinkan nasiib-darrada u muuqda ee xukuumaddaadu ku kacayso” = War-saxaafadeed

    0

    London (HT)- Guddiga Hoodaale ee dalka UK oo shir deg-deg ah isugu yimi Isniintii shalay, ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka iyo dhacdooyinkii u dambeeyey ee ka dhacay Somaliland maalmihii u dambeeyey.

    Guddiga Hoodaale waxa ay si adag u cambaareeyeen dhacdadii shalay lagu rasaaseeyey gaadiidkii la socday madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka dhoofayey garoonka diyaaradaha ee Egal International Airport, waxaanay baaqyo kala duwan u direen Xukuumadda iyo shacabka Somaliland.

    Guddiga Hoodaale UK oo dhacdadan ku tilmaamay nasiib-darro meel ka dhac ku ah Qaranimada Somaliland, waxa ay baaq u direen madaxweynaha Somaliland Md Cabdiraxmaan Cirro.

    War-murtiyeed xambaarsan baaqa Guddiga Hoodaale UK oo dhowr Qodob ka kooban, waxa ay ku yidhaahdeen:-

    1. Guddiga Hoodaale UK Waxay canbaaraynayaan falkii foosha xumaa ee lagula kacay birmagayadii qaranka ee ugu horeeya madaxaweynihii hore Muuse Biixi iyo masuuliyiintii la socotay ee lagu rasaaseeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

    2) Guddida Hoodaalle London waxay Dawladda ka  dalbaynayaan in ay baadhitaan qoto dheer ku samayso cidda ka danbaysay falkan loogu badheedhay Madaxwaynihii hore oo meel lagaga dhacay hab maamuuskii u kulahaa qaranka.

    3) Guddida Hoodaalle London UK waxay shacabka Somaliland ugu baaqaysaa in ay is dejiyaan kana war sugaan inta la helayo war buuxa oo dhamaystiran.

    4) Dhacdadani waxay dhaawac ugaysatay qaranimadii, sumcaddii gudaha iyo dibadaba Kaddib markii ilaalada garoon ku rasaasta ku fureen madaxweynihii hore oo ay halis galiyeen naftiisa isaga iyo mas uuliyiintii la socotay.

    5) Guddigu waxa ay ugu baaqayaan Madaxweynaha Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi inuu si foojigan ula socdo shirqoolada shacabka gudihiisa loo maleegayo ee keeni kara inay isku dhacaan bulshada Somaliland.

    6) Guddigu waxay maamulka madaarka u soo jeedinayaan inay sameeyaan hanaan iyo maamuus lagu la dhaqamo madaxdii hore ee dalka soo maamushay si nabadooda,sharftooda loo ilaaliyo.

    7) Guddigu waxay cambaareynayaan falkii aan laga fiirsan ee xukuumaddu xadhig-wadareedka ugu geysatay madaxdii dhaqanka ee metalaysay bulshada Gobolka Gabiley.

    8) Guddigu waxay madaxweynaha weydiinaysaa inuu shacab ahaan isu keen waafajiyo Aqoonsigii uu ballan-qaaday ee sugayey bishan December iyo tallaabooyinkan nasiib-darrada u muuqda ee xukuumaddiisu ku kacayso.