Donald Trump Oo Ciqaab Dil ah Ugu Hanjabay Xildhibaano ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga

    0

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu hanjabay inay Xukun Dil ah ku mutaysan karaan xubno ka mid ah mudaneyaasha Aqalka Congress-ka ugu jira Xisbiga Dimuqraadiga oo ciidamada iyo sirdoonka dalkaas ugu baaqay inay diidaan awaamiirta sharci-darrada ah.

    Balse waxa uu sheegay inuu ka door-bidayo in Xubnaha Xisbiga Dimuqraadiga ah loo xidho hadalkooda oo uu ku tilmaamay inuu halis ku yahay amniga iyo dowladnimada Maraykanka.

    “Waa Arrin khatar ku ah dalkayaga, hadalladoodu maaha wax loo dul-qaadan karo,” sidaas waxa yidhi madaxweyne Trump oo qoraal uu hadalkooga kaga jawaabay ku baahiyey ciwaanka uu ku leeyahay Mareegta TruthSocial oo madaxweynaha Maraykanku iska leeyahay.

    Madaxweyne Trump, waxa uu sidoo kale 40 Daqiiqo kaddib baahiyey Qoraal hanjabaad ah oo Xisbiga Dimuqraadigu luqad adag ka fal-celiyey. “Waa Hadal Kicin ah oo Ciqaabtiisu Dil tahay”, ayuu yidhi madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

    Xisbiga Dimuqraadiga ayaa isla markiiba cambaareeyey hadalkiisa oo ay ku tilmaameen xumaan ururtay maadaama oo uu dil ugu hanjabay mudaneyaal la soo doortay.

    Hanjabaadda Trump ayaa jawaab u ah muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada oo ay ku jiraan Lix ka mid ah mudaneyaasha Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Maraykanka ugu jira Xisbiga Dimuqraadiga, kuwaas oo hore ugu tirsanaan jiray Militariga iyo Sirdoonka dalkaa.

    Xildhibaanadu waxa ay militariga iyo Sirdoonka ugu baaqeen inay iska diidaan awaamiirta sharci-darrada ah ee maamulka Trump.

    “Waanu ognahay in culays dheeraad ah la idin saaray,” ayey yidhaahdeen mudaneyaashu, waxaanay intaas ku dareen,”Shacabka Maraykanku wuu ku kalsoon yahay Ciidankooda, laakiin kalsoonidaasi hadda halis bay ku jirtaa.”

    Hargeisatoday.com