Somaliland iyo Ethiopia Oo Iska Kaashanaya Horumarinta Tacliinta Sare

    0

    Guddoomiyaha Guddida Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Prof Xasan Cumar Halas, ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula qaatay Masuuliyiin Sare Sare oo ka tirsan Dowladda Ethiopia.

    Prof Xasan Cumar Halas oo maalmihii u dambeeyey socdaal Shaqo ku joogay dalka Ethiopia, waxa uu kulan la qaatay Guddoomiyaha Horumarinta Tacliinta Sare ee Itoobiya Dr Solomon Abrha iyo Dr. Ahmed Abtew, Gudoomiyaha hay’adda Ilaalinta Tayada iyo Aqoonsi bixinta tacliinta Sare (ETA).

    Guddoomiyaha Komishanka Tacliinta Sare ee Somaliland wuxu madaxda uu la kulmay uga mahadceliyay deeqaha Waxbarasho ee dawladda Itoobiya siiso Ardayda reer Somaliland, sida lagu sheegay war-qoraal kooban oo ka soo baxay Komishanka Tacliinta Sare ee JSL.

    Warku waxa uu intaas ku daray in Guddoomiyaha Komishanka Tacliinta Sare iyo Madaxda Ethiopia ee uu la kulmay ay ka wada hadleen is-dhaafsiga waaya-aragnimada labada dhinac iyo sidoo kale horumarinta adeegyada Tacliinta Sare ee Jaamcadaha labada dal.

    Waxa kale oo warka lagu sheegay in masuuliyiinta labada waddan isla qaateen inay si dhow uga wada shaqeeyaan iskana kaashadaan Horumarinta Tacliinta Sare.