“Maxaa kallifay in ciyaartooyadii Somaliland Xamar u haajiraan?”
Hargeysa (HT)- Xisbiga Mucaaradka ah ee KAAH, ayaa xukuumadda ugu baaqay inay sida ugu dhakhsaha badan u qabato tartanka Horyaalka Horyaallada ee Somaliland si looga hortago niyad-jab ku yimaadda ciyaartoyga dalka ee ka ciyaaraha kooxaha heerka Koowaad.
Xoghayaha Ciyaaraha ee Xisbiga KAAH, Xasan Waraabe Cadde oo arrintan kaga hadlay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray, waxa uu ka digay in Wasaaradda Ciyaaruhu qabato tartanka gobollada iyadoo aan la sugayo tartanka Horyaalka Horyaallada oo la qorsheeyey in lagu qabto magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.
War-saxaafadeedka uu soo saaray Xoghayaha Ciyaaraha ee xisbiga KAAH, waxa uu ku yidhi, “Sida aan la wada socono waxa soo dhamaaday horyaaladii Socday muddada dheer ee aad moodaysay in uu marar badan istaagayay,kadib markii dhawr jeer hakad galay kooxihiina ay ku wareereen maadaama la fahmi waayay jiho uu u socdo ugu dambeeyntiina soo gebagaboobay iyadoo runtii naadiyada hore ee guulaystay ay filanayeen in la bilaabo Horyaalka Horyaalada oo ah kan ugu xiisa badan Somaliland oo koox waliba ay hiigsanaysay in ay ka qayb gasho oo ay hanato Horyaalka Horyaalada.
Xiisaha kale sannadkan la filayey waa iyadoo lagu qaban doono sidii hore loo shaaciyay Gobolka Togdheer magaalala madaxdiisa Burco.”
Xoghaye Waraabe-Cadde waxa uu intaas raaciyey, “Haddaba, waxaan xan ku maqlaynaa Ciyaaro Gobolo ayaa la qabanayaa iyadoo aan la qaban Horyaalka Horyaalada taasi waxay niyad-jab ku keeni doontaa naadiyadii ku soo baxay tartamadii ka socday Gobolada oo la filayay in la qabto Horyaalka horyaalada waana waajib in Wasaaradu aanay eegin sida hawluhu u kala mudan yihiin,” ayuu yidhi Xasan Waraabe-Cadde, waxaanu intaas ku daray, “Waxaan arkaynaa in Ciyaartooydeenii Hassan Sheekh ku faanayay sida isku furanta ciyaaruhu ku socdaan. Maxaa kallifay in ciyaartooyadii Somaliland Xamar u haajiraan? Arrintaasi waxay u baahan tahay In la is-weeydiiyo haddeyse isku furan Ciyaaro bilaabmaan si dhib yar halkana wey isugu iman. Waxaan la socdaa in ay waliba doonayaan in ay sheegtaan waxa ay umaddeenu qabsatay. Ma dhacayso in ciyaartooyada Somaliland hamigoodu lumo, waa in la qabtaa Horyaalka horyaalada Somaliland sida ugu dhakhsiyaha badan,” Sidaas ayuu yidhi Xoghayaha Ciyaaraha KAAH.
Ugu dambeyn, waxa uu soo jeediyey, “Xisbiga KAAH waxa uu taageerayaa in ay helaan dhammaan kooxaha kaalmaha hore galay in xuquuqdooda ay helaan oo la qabto Horyaalka horyaalada Somaliland, Kaas oo lagu qabto Togdheer.
Waxa kaloo muhiima in hawlwadeenada Ciyaaruhu xuquuqda ka maqan ay helaan si degdega maadama Horyaaladii Dhamaadeen, Dayactir buuxana ay helaan garoomada ciyaaruhu.” Sidaas ayuu yidhi Xoghayaha Ciyaaraha ee Xisbiga KAAH.
HargeisaToday.com


