Xisbiga Kulmiye Oo Dardaaran U Sii Guntay Madaxweyne Cirro oo Safar Ugu Baxaya Ethiopia

    0

    Wasiirkii hore ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Technolajiyadda ee Somaliland Dr Abdiweli Suufi, ayaa ka hadlay socdaal maalinta Berri madaxweyne Cirro ugu baxayo dalka Ethiopia xilli uu dalkaas ku sugan yahay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

    Dr Cabdiweli Suufi oo ka tirsan madaxda xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye, waxa uu xusay in socdaalka madaxweyne Cirro ee Ethiopia uu ku soo beegmay xilli xasaasiya oo duufaanno Siyaasadeed ka jiraan Gobolka isla markaana xukuumadda looga baahan yahay sidii ay xoojin lahayd xidhiidhadad dublomaasiyeed iyo Ganacsi ee labada waddan.

    Dr Abdiweli oo qoraal kooban soo saaray, ayaa u dhignaa sidan:-

    “Booqashada Madaxweynaha JSL ee Ethiopia: Filashada iyo Wakhtiga ay Timid

    Booqashada rasmiga ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐱𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 “𝐂𝐢𝐫𝐫𝐨”, ee uu ku tagayo 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐃𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐈𝐭𝐨𝐨𝐛𝐢𝐲𝐚, waxa ay  ku soo beegantay xilli xasaasi ah oo mandaqadda Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe ay ka socdaan isbeddello siyaasadeed iyo diblumaasiyadeed.

    In kasta oo booqashada Madaxwaynuhu timid toban bilood ka dib markii uu xilka la wareegay, hadana waxa aan aan aaminsanahay in ay tahay fursad qiimo leh oo lagu horumarin karo danaha labad dal, laguna xoojin karo xidhiidhka laba dhinac, isla markaana lagu abuuri karo iskaashi midho dhal ah oo labada dal yeeshaan.

    𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐄𝐭𝐡𝐢𝐨𝐩𝐢𝐚 ma aha oo kali ah dal daris la ah Somaliland ee waa saaxiib dhow oo  Somaliland ay wadaagaan xidhiidh soo jireen ah kaas oo koobsanaya dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo arimaha bulshada. Iyada oo labada dal ay muddo dheer leeyihiin xidhiidh iyo iskaashi diblumaasiyadeed oo joogto ah oo ku qotoma kalsooni iyo iskaashi qotodheer.

    Waxa jira hadal diplumaasiyadeed oo yidhaa  𝐀 𝐧𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧’𝐬 𝐜𝐥𝐨𝐬𝐞𝐬𝐭 𝐩𝐚𝐫𝐭𝐧𝐞𝐫𝐬 𝐬𝐡𝐨𝐮𝐥𝐝 𝐛𝐞 𝐢𝐭𝐬 𝐧𝐞𝐢𝐠𝐡𝐛𝐨𝐮𝐫𝐬 — 𝐟𝐨𝐫 𝐠𝐞𝐨𝐠𝐫𝐚𝐩𝐡𝐲 𝐦𝐚𝐤𝐞𝐬 𝐮𝐬 𝐧𝐞𝐢𝐠𝐡𝐛𝐨𝐫𝐬, 𝐛𝐮𝐭 𝐬𝐡𝐚𝐫𝐞𝐝 𝐯𝐢𝐬𝐢𝐨𝐧 𝐦𝐚𝐤𝐞𝐬 𝐮𝐬 𝐚𝐥𝐥𝐢𝐞𝐬” oo ka dhigan in dalka ugu horeeya ee mudan in Somaliland la yeelato xidhiidh diblumaasiyad oo qotodheer uu yahay Ethiopia.

    Waxa lagama maarmaan ah in xukuumaddu si istaraatiiji uga midho dhaliso dadaallada lagu suurtogelinayo heshiis ganacsi oo labada dal dhexmara, laguna midho-dhalinayo xidhiidhka ganacsi ee hore u jiray sida 𝐌𝐚𝐫𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐞𝐫𝐛𝐞𝐫𝐚 (𝐁𝐞𝐫𝐛𝐞𝐫𝐚 𝐂𝐨𝐫𝐫𝐢𝐝𝐨𝐫).  Sidoo kalena, la hirgaliyo heshiisyadii qabyo-qoraaladii hore ee labada dal galeen.

    Waxa aynu wada sugayna midhaha uu Madaxwaynuhu kula soo guryo noqdo ee uu ka keeno booqashada uu ugu baxayo 𝐝𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐄𝐭𝐡𝐢𝐨𝐩𝐢𝐚.”