La-taliyaha Arrimaha Amniga ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, ayaa ka sheekeeyey dhacdooyin aanu hore uga warramin oo uu saxaafadda kala kulmay xilligii uu ahaa wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumaddii madaxweyne Daahir Rayaale.
Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) oo munaasibad lagu marti-qaaday hadal ka jeediyey, waxa uu ka sheekeeyey sida ay xukuumaddii xilligaasi uga seexan weyday wararka iyo warbixinaha ay tebin jirtay idaacaddii Horyaal ee ku hadli jirtay afka Xisbiga Kulmiye xilligaas iyo sida ay hay’adaha ammaanku xilligaas ugu fashilmeen inay helaan xogta idaacadda oo xukuumaddii Rayaale u haysatay inay Hargeysa Dhextaalo.
Idaacadda Horyaal ayaa ahayd idaacad inta badan wararka ku tebin jirtay dhinac internetka, xilliyadii horena ka soo geli jirtay dhinaca Raadiyaha oo xarunteedu tahay dalka Dibaddiisa.
Ismaaciil Yare waxa uu ka sheekaynayaa sida aanu uga war-haynin in soo saarayaasha Idaacadda qaarkood ay fadhiisan jireen Gurigiisa iyagoo isticmaalaya internetkiisa.
Wuxuu ka sheekaynayaa weerar ay ku qaadeen xarunta xisbiga Kulmiye oo xog qaldan u sheegtay inay Idaacaddu dhextaallo halkaas iyo sida ay ugu fashilmeen tallaabadaas maadaama oo aanay oggolaansho u haysan inay galaan xarunta xisbiga Kulmiye.
Waxa uu sidoo kale ka sheekeeyey sida ay xukuumaddii xilligaasi dulqaadka ugu lahayd suxufiyiinta, isagoo tusaale u soo qaatay hadallo uu ku weeraray mid ka mid ah suxufiyiinta Radio Horyaal oo xilliyadii u dambaysay maamulka xukuumaddii Daahir Rayaale Meel bannaan ah ka helay kulana kaftamay inaanu ku takri-falin hantida Dowladda maadaama oo muddo-xileedkoodii dhammaaday doorashadiina soo dhawdahay.
Dhacdooyinkan uu Ismaacil Yare ka sheekeeyey waxa ay cakis ku yihiin hab-dhaqanka xukuumadda madaxweyne Cirro oo muddo sannad ku dhow oo ay talada haysay xabsiga dhigtay in ka badan 35 Suxufi, taas oo ka dhigtay xukuumaddii xidh-xidhay tiradii ugu badnayd suxufiyiinta Somaliland muddo Hal sanno ah.


