“Weerar kasta oo lagu qaado Qatar waxa uu khatar ku yahay Ammaanka Maraykanka” – Madaxweyne Trump

    0

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo saaray amar fulin ah oo dalkiisu ku dammaanad qaadayo ammaanka waddanka Qatar, waxaana go’aankan ka mid ah in la qaado tillaabo militari haddii dalkaasi la weeraro.

    “Maraykanku waxa uu u arki doonaa weerar kasta oo hubaysan oo lagu qaado dhulka, madax-banaanida, ama kaabayaasha muhiimka ah ee Dawladda Qatar inuu khatar ku yahay nabadda iyo ammaanka Maraykanka,” sidaas ayaa lagu sheegay digreetada uu soo saaray madaxweyne Trump.

    “Haddii ay dhacdo weerar noocan oo kale ah, Maraykanka waxa ku waajib noqonaya inuu qaado dhammaan tallaabooyinka sharciga ah ee ku habboon – oo ay ka mid yihiin dhinacyada diblomaasiyadda, dhaqaalaha iyo addii loo baahdo mid milatari, si loo difaaco danaha Maraykanka iyo Dawladda Qatar iyo soo celinta nabadda iyo xasilloonida.”

    Wareegtada Madaxweynaha Maraykanka Oo Arbacada maanta soo baxday, ayaa ku soo beegmayssa saddex toddobaad ka dib markii Israa’iil ay weerar cirka ah ku qaadday hoggaamiyeyaasha Xamaaz ee oo ku shiraray caasimadda Doha. Weerarkan ayaa la sheegay inay ku shahiideen xubno ururka Xamaaz u qaabilsan wada xaajoodka iyo sidoo kale sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Qatar.