India (SL.POST) – Diyaarad xamuul ah oo ay leedahay shirkadda diyaaradah ee Air India isla-markaana nooceeduna ahaa Boeing 787-8 Dreamliner, ayaa ku dhacday magaalada Ahmedabad ee dalka Hindiya.
Diyaaraddan oo siddey in ka badan 241 rakaab ah, kuna sii jeeddey magaalada London, ayaa soo dhacday wax yar ka dib markii ay ka kacday gagida diyaaradaha ee Ahmedabad.
Diyaaradda oo summadda duulimaadkeedu ahaa AI171, ayaa ku dul habsatay oo ku dhacday deegaan lagu nool yahay.
Diyaaradda ayaa waxa ku dhintay guud ahaan dadkii ay sidday, marka laga reebo hal qof oo ka badbaaday, kaasi oo u dhashay UK.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo ka hadlayay Aqalka Cad, ayaa sheegay inuu u soo bandhigay dowladda Hindiya “ In wax kasta oo ay la qaban karaan ay la garab taagan yihiin” kaddib “shilka argagaxa lahaa.”
“Qofna ma ogayn waxa dhacay,” ayuu yidhi. “Waxay u muuqatay in diyaaraddu si caadi ah u duuleysay.”
Madaxweyne Trump wuxuu sidoo kale sheegay inuu aaminsan yahay in shilkaani uu yahay “mid ka mid ah shilalkii ugu xumaa ee taariikhda duulista.”
Waxa kale oo shilkan ka hadlay dawladaha dunida ee Muwaadiniintoodu la socdeen diyaaradda.


