Madaxweynaha Jabuuti Oo Wasiirka Arrimaha Dibedda U Magacaabay Muwaadin Reer Somaliland Ah

    0

    Jabuuti (HT) – Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Wasiir cusub u magacaabay Wasaaradda arrimaha dibedda ee dalkaasi.

    Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa waxa uu u magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibedda Djibouti Cabdiqaadir Xuseen Cumar.
    Wasiir Cabdiqaadir, ayaa hore u ahaa Safiirka Jabuuti ee dalka Kuwait.

    Wasiirka cusub, ayaa beddelay Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Maxamuud Cali Yuusuf oo hadda ah Guddoomiyaha ururka midowga Afrika.

    Wasiirka cusub ee Madaxweyne Geelle u magacaabay Wasaaradda arrimaha dibedda, ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland.

    Muwaadiniinta Somaliland oo magacaabista masuulkan aragtidooda ku cabbiray baraha bulshada, ayaa qaarkood sheegeen in Madaxweyne Geelle ugu talo-galay inuu kaga hor-tago dedaallada aqoonsi-raadineed ee Somaliland oo bilihii u dambeeyay xoogaystay.