XAQ-DOON: Maanso Ka Hadlaysa Doorka Dhallinyarada Ee Siyaasadda

    0

    Maansadan Xaq-doon waxa allifay abwaan Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi), waxaanay soo baxday 23-kii August 2006da. Waa maanso dood u ahayd in dhallinyarada laga qayb geliyo talada dalka. Halgan ay galeen dad badan oo reer Somaliland ahi, waxa ay himiladii maansadani hirgashay sannadkii 2011ka, kolkaas oo la ansixiyay xeer oggolaanaya in dhallinyarada da’doodu tahay 25 iyo wixii ka sarreeyaa ay ka qayb gali karaan doorashada Golaha Deegaanka.

    Waa kuwan meerisyada maansada XAQ-DOON:
    1. Nin aan xaraf sheegan karin
    2. Hooyaba ma xannaanisoo
    3. Muraad xabbadkeennu rabo
    4. Haddaan xubin lagu caddayn
    5. Xub iyo daah baa korsane

    6. Tan iyo wakhtigii xornimo
    7. Raggii lixdankii xilkiyo
    8. Xayuubsaday maamulkaa
    9. Illaa hadda xaadiroo
    10. U xaydan kuraasidoo
    11. Xafiiskana doonayee
    12. Barroosin xabaalan iyo
    13. Ma xididdaa uga dul baxay
    14. Xaruumahan dawladdoo
    15. Xukuumaddu waa dukaan
    16. Xisaabtiisa ay hayaan??
    17. Mise waa xilo mar hore
    18. Xaakinku u guuriyoo
    19. Anaa xergiyoon ogayn?

    20. Xusuustu qof ay yartiyo
    21. Maxay odayaal xafashay
    22. Wasiir xadka dhaafayoo
    23. Siddeetan dhan xay ahaa
    24. Agaasime xiiqsanoo
    25. Xilligan todobaatan jiray
    26. Dadyahaw xildhibaan da ahi
    27. Dhibaato xalkeed karaan??
    28. Xiniinyuu ma aynigaa?

    29. Sharcigu xagal buu maree
    30. Haddii xagga hoose gu’ga
    31. Bulshooy laga soo xaddiday
    32. Shuruud adag lagu xidhxidhay
    33. Maxaa xagga sare ka dhigay
    34. Mid aan xannibaad lahayn??
    35. Xayndaabkee duqayda celin??
    36. Ma xeerbaa taasi qaran??
    37. Xurmada yaynaan ka tagin

    38. Waxaa hage lagu xushaa
    39. Xasuusta garaadka iyo
    40. Xeldheeri aqoonta iyo
    41. Aqoon Xirfad kaabaysee
    42. Barbaartu xashiish nacfi la’
    43. Dhab xaabiyo maaha liid
    44. Xaqiida an qaadi karin
    45. Masuul la xambaarayee
    46. Xiddigo weeyaan jiroo
    47. Xushmayna mutaystayoo
    48. Xiskoodu dhamaysyahoon
    49. Xawaaraha gaabinine
    50. Kuwii xaafadaha arliga
    51. Xinjirta u daadidiyo
    52. Maxaa dhallin loo xisdiyay??
    53. Kuwii xasiloonidiyo
    54. Amniga xafidaayay gabi
    55. Kuwii xurgufaha dagaal
    56. Necbaa xansaska iyo qodax
    57. Xudduuntii horumarkaba
    58. Hadmaa laga xiiso dhacay??
    59. Xariir dumarkaa hantee
    60. Miyaan xilka loo sinnayn??
    61. Xatooyo ninkii galaa
    62. Ogaal xabsi loo unkee
    63. Maxaa da”yar loo xayiray??
    64. Toloow xeerbeegtideen
    65. Xumaanahan eegga jira
    66. Xabeebtan hortood dhigaa??

    67. Qof xeel daran aad dhacdeen
    68. Xaqiisana leexsateen
    69. Kollay xadxatayn muriyo
    70. Xajiin lama sii marshee
    71. Inaad xikmad gaab tihiin
    72. Xogtaan maqlay baan fajacay
    73. Xafiisyada dawladeed
    74. Qoraan ku xayuubsannee
    75. Hadaad tidhi “xoog ku hela”
    76. Ammaanka on xeerinnaa
    77. Garaad xangulluu faroo
    78. Inaan xabbad qaadannaa
    79. Gaddii xalay waa tagtee
    80. Xadhaadhyada aad dhahdeen
    81. Xariifinta looma bogin

    82. Gammaan xakamaa dabroo
    83. Insaan cimrigaa xidhee
    84. Xantoobo gunnooyiniyo
    85. Bisayl la xagtaba ninkii
    86. Xaf quudin siin lahaa
    87. Haddii lagu sii xejuun
    88. Xilkii nasin looga diri
    89. Miyuu xalku noqon sidaas??
    90. Hadduu xays meel ku da o
    91. Xareeddana jiid la wadho
    92. Wa loo wada xaadiraa
    93. Inaad xoor kali dhantaan
    94. Xanuun bay nagu tahoo
    95. Annagu maanaan xamilin
    96. Xaqaa maqan noogu shuba?

    97. Waxaan hadalkii ku xidhay
    98. Baheey xarafkaygan dhugo
    99. Xerooyinka reerihiyo
    100. Xaxeeyadu seexatee
    101. Kacoo Xusul duubta oo
    102. Haddaad xagal wada daydaan
    102. Qabyaaladda xooraysaan
    103. Wadnaa isu xalan tihiin
    104. Xiqdiga aad laalaysaan
    105. Xaqiina inaad heshaan
    106. Xaliimku hadduu fasaxo
    107. Xarriiqan runtii berro
    108. Xaashida looxaa dhigtee
    109. Dhammaan xisbi wada noqduun

    Waxa soo Gudbiyey: Khadar Maxamed Faarax