Madaxweyne Siilaanyo oo Wasiir-dawle u magaacabay guddoomiyih Urursiyaasadeedka SSCD

    0

    Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xeer Madaxweyne oo numberkiisu yahay JSL/M/XERM/249-1246/082012

     War-saxaafadeed

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xeer Madaxweyne oo numberkiisu yahay JSL/M/XERM/249-1246/082012            ku magacaabay Wasiiru-Dawlaha Nabadaynta Arrimaha Gobollada Bariga ee JSL, Inuu ahaado Mudane, Kayse Cabdi Yuusuf.

     

    Madaxweynuhu:-

     

    Markuu Arkay:                   Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

     

    Markuu Tixgeliyey:           Ahmiyadda weyn ay Wasiiradu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

     

    Markuu Arkay:                   Baahida loo qabo Xallinta Khilaafka iyo habsami u socodka Arrimaha nabadgelyada iyo siyaasadda Gobollada Bari ee JSL;

     

    Markuu Arkay:                   In baahi loo qabo abuuridda jagada Wasiiru-Dawlaha Nabadaynta Arrimaha Gobollada Bariga ee JSL oo hoos imandoonta Madaxweynaha;

     

    Markuu Ka Fiirsaday:      Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

     

    Markuu ku Qancay:          In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

    Wuxuu go’aansaday

    In Mudane, Kayse Cabdi Yuusuf, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado

    Wasiiru-Dawlaha Nabadaynta Arrimaha Gobollada Bariga ee JSL.

     

     

    ALLAA MAHAD LEH

    Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

        Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.