Iran oo Ku Hanjabtay inay Weerarayso Xarunta Nukliyeerka Israa’iil

0

Sarkaal ka tirsan Millateriga Iran, ayaa sheegay in iskuday kasta oo Maraykanka iyo Israa’iil ay ku doonayaan in ay ku afgambiyaan maamulka Iiraan iyada oo loo marayo “Fowdo hubeysan” lagala kulmi doono jawaab toos ah oo ay ka mid tahay in la bartilmaameedsado xarunta tamarta Nukliyeerka ee Dimona ee Israa’iil.

Sarkaalku waxa uu intaa ku daray, hadal lagu baahiyey mareegaha wararka Iiraan oo sheegay inuu yidhi; “Fulinta qorshe kasta oo looga gol-leeyahay in lagu dumiyo dowladda waxay ku khasbaysaa Iiraan inay beegsato kaabayaasha tamarta ee gobolka”.

Inkasta oo Israa’iil aanay waligeed si rasmi ah u qiran in ay haysato hubka Nukliyeerka, haddana qiimayn kala duwan oo caalami ah oo badan, ayaa muujinaya in ay haysato. Barnaamijkeeda Nukliyeerka, ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah hubka sirta ah ee wax gumaada ee caalamka.

Israa’iil May saxeexin heshiiska ka hortagga faafinta hubka Nukliyeerka oo ah heshiis caalami ah oo lagaga hortagayo fiditaanka hubkan.

Sababtaas awgeed, xarumaheeda Nukliyeerka ayaan hoos imanayn nidaamka ilaalinta Tamarta Nukliyeerka ee caalamiga ah, kaas oo u oggolaanaya Wakaaladdu inay kormeer joogto ah ku sameyso xarumaha Nukliyeerka ee dalalka ku biiray heshiiska.

Awoodaha Nukliyeerka ee Israa’iil, ayaa weli ah mawduuca qiyaasaha Sirdoonka ee aan la hubin tan iyo 1960-meeyadii, markii ay billowday in ay ka shaqeyso tamarta Nukliyeerka ee Dimona ee saxaaraha Negev.

Bartamihii 1980-meeyadii, qayb ka mid ah awooddaas ayaa la shaaciyay ka dib markii Injineerkii hore ee Nukliyeerka Mordechai Vanunu uu siiyay wargeys Ingiriis ah sharraxaad iyo sawirro waxa uu ku sheegay inay yihiin madaxyada Nukliyeerka ee Israa’iil.

Xogta uu daaha ka qaaday Vanunu, ayaa keentay in dib loo qiimeeyo qiyaasihii hore ee xaddiga hubka Nukliyeerka ee Israa’iil, kaas oo 2003-dii lagu qiyaasay in aanu ka yarayn 100 madax oo Nukliyeer ah lagana yaabo in uu gaadhi karo illaa 200 tiro ahaan.