Madaxweyne Cirro oo ka Warbixiyey Safarkii Shaqo ee Imaaraadka Carabta iyo Ka Qayb-galka Shirkii Dawladaha Adduunka

0
Madaxweyne Cirro
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md Cabdiraxmaan Cirro - PHOTO: Xafiiska Afhayeenka M JSL

Hargeysa — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Golaha Wasiirrada si rasmi ah uga warbixiyey safarkii shaqo ee isaga iyo weftigiisu ku tageen dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, gaar ahaan ka qayb-galkii uu kaga qayb galay Shirkii Caalamiga ahaa ee Dawladaha Adduunka ee ka qabsoomay magaalada Dubai.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, Madaxweynaha ayaa sheegay in tani ay tahay markii labaad oo xidhiidh ah oo Somaliland heer sare kaga qayb gasho shirkaasi, kaas oo lagu tilmaamo mid ka mid ah saddexda shir ee ugu muhiimsan caalamka marka la eego isdhaafsiga aragtiyaha dawladnimo, horumarinta dhaqaalaha iyo iskaashiga caalamiga ah.

Intii uu safarku socday, Madaxweyne waxa uu kulamo heer sare ah la yeeshay madax iyo hoggaamiyeyaal ka kala socday dalal kala duwan, wufuud caalami ah, iyo ganacsato waaweyn. Kulamadaasi ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhada diblomaasiyadeed, kor u qaadista maalgashiga, iskaashiga dhinacyada amniga, iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Madaxweynuhu waxa uu carrabka ku adkeeyey muhiimadda istiraatiijiyadeed ee safarrada noocan ahi u leeyihiin qaranka, isaga oo xusay in ka qayb-galka Somaliland ee madalaha caalamiga ahi uu kor u qaadayo sumcadda, kalsoonida iyo muuqaalka ay ku leedahay beesha caalamka, isla markaana uu furayo fursado cusub oo iskaashi iyo maalgashi oo wax ku ool ah.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hoosta ka xarriiqay in xukuumaddu sii wadi doonto dedaallada lagu xoojinayo dawladnimada, kobcinta dhaqaalaha, iyo ballaadhinta xidhiidhada caalamiga ah, si loo xaqiijiyo himilooyinka qaranka ee horumarka iyo aqoonsi-raadiska.

somalilandpost.news/

Hargeysa, Somaliland