Somaliland ayaa si rasmi ah u dardar-gelinaysa dadaallada ay ugu jirto dhamystirka aqoonsi caalami ah oo ay dunida ka hesho, kadib markii Israa’iil noqotay waddankii ugu horreeyay ee si buuxda u aqoonsada jiritaanka Somaliland, taas oo xukuumaddu ku tilmaantay tallaabo taariikhi ah oo beddeshay jihada siyaasadda arrimaha dibadda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, oo Warbaahinta ugu warraymay magaalada Dubia oo uu kaga qayb-galay shirweynaha Dowladaha Caalamka, ayaa sheegay in aqoonsiga Israa’iil uu sare u qaaday muuqaalka Somaliland ee caalamka, isla markaana uu furay albaab cusub oo fursado siyaasadeed, amni iyo dhaqaale leh.
“Aqoonsigani waa guul weyn oo u soo hoyatay shacabka Somaliland,” ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland, waxaanu intaa ku daray, “Maanta Somaliland waa la hadal hayaa, magacayaguna wuxuu galay warbaahinta iyo afafka dunida.”
Bishii December sannadkii 2025, Israa’iil ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland, taas oo dhalisay falcelin kala duwan oo caalami ah. Inkastoo Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo dalal ay ka mid yihiin Shiinaha, Masar iyo Sacuudi Carabiya ay muujiyeen diidmo, haddana xukuumadda Somaliland waxay sheegtay in tallaabadaasi ahayd mid la filayay, isla markaana aanay waxba ka beddelayn xaqa ay Somaliland u leedahay aqoonsi.
Madaxweynuhu wuxuu xusay in dadka qaarkood aanay garanayn taariikhda Somaliland. “Somaliland waa dal jiray ka hor intii aanay Soomaaliya midoobin,” ayuu yidhi. “Annagaa si ikhtiyaari ah ula midoobnay Soomaaliya, maanta-na annagaa si nabad ah dib uga noqonnay go’aankayagii.”
Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in dadaallada aqoonsiga ay hadda noqonayaan kuwo taxaddar leh, maadaama ay jiraan cadaadisyo siyaasadeed iyo dano isdiidan oo ka jira gobolka.
“Waxaan raadinaynaa saaxiibo cusub, balse arrimuhu waxay u baahan yihiin xeelad iyo deganaan,” ayuu yidhi Md Cirro, intaas intaas ku daray inay Somaliland sii xoojinayso xidhiidha ay la leedahay Israa’iil, iyada oo la qorsheynayo furitaanka safaarado iyo iskaashi dhinacyada tiknoolajiyadda, beeraha, biyaha, waxbarashada iyo sayniska. Tallaabadan ayaa la filayaa inay kor u qaaddo horumarka gudaha, gaar ahaan dhinacyada wax-soo-saarka iyo adeegyada bulshada.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay muhiimadda juqraafiyeed ee Somaliland, gaar ahaan xeebaha Badda Cas iyo dekedda Berbera, oo ah marin istaraatiiji ah oo isku xidha Geeska Afrika iyo ganacsiga caalamiga ah. Wuxuu xusay in Somaliland ay leedahay kheyraad dabiici ah oo ay ka mid yihiin macdan, saliid, gaas iyo dhul ballaaran oo ku habboon beeraha.
Imaaraadka Carabta ayaa ah waddanka maalgeshiga ugu weyn ka fuliyey Somailand, iyadoo shirkadda DP World ay $400 milyan ku maalgeliyay ballaadhinta Dekedda Berbera iyo dhismaha aagag ganacsi xorah, waxaanay tani shaqo abuur u sameysay dhalinyarada isla markaana xoojisay doorka Somaliland ee ganacsiga gobolka.
Iyadoo ay sii kordhayaan isbeddellada siyaasadeed ee Geeska Afrika, Somaliland waxay rajaynaysaa in aqoonsiga Israa’iil uu noqon doono furaha ay ku kasban karto dalal kale.
somalilandpost.news/
Hargeysa, Somaliland


