Hordhac
Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku tallaabsatay safar siyaasadeed, bulsho iyo dawladnimo oo socday 34 sanno tan iyo dib ula soo noqoshadii xorriyaddeeda 1991. Muddo dheer oo ay jireen guulo la taaban karo, haddana aan ka madhnayn caqabado waaweyn iyo khaladaad dhismeed oo saamayn ku yeeshay tayada dawladnimada, midnimada bulsho, hannaanka hay’adaha iyo mustaqbalka qaranka.
Ujeeddada Soo Jeedinta
Ujeeddada guddidan waa in la sameeyo qiimeyn dhamaystiran oo ku saabsan 34-ka sanno ee ay Somaliland jirtay, si loo ogaado waxa hagaagay, waxa khaldamay, iyo waxa weli ka maqan dhismaha dawladnimo dhamaystiran.
Sababaha Muhiimadda Guddidan
- Is-bedelka marxaladda qaran
- Baahida dib-u-habayn hay’adeed
- Baahida Road Map qaran oo midaysan
Qaab-dhismeedka Guddiga
Guddigu waxa uu ka koobnaan doonaa aqoonyahanno, khubaro, iyo waayo-arag ku suntan daacadnimo qaran, kana madax-bannaan dano gaar ah.
Baaxadda Baadhista
– Dawladnimo & Maamul
– Siyaasad & Dimuqraadiyad
– Dhaqaale & Horumar
– Bulsho & Midnimo
– Amni & Siyaasad Dibadeed
Natiijada La Filayo
Warbixin qaran, Road Map cad, iyo istaraatiijiyad guud oo lagu hago mustaqbalka Somaliland.
Qaab-dhismeedka, Xulashada iyo Nidaamka Shaqo ee Guddi Qaran
Si loo xaqiijiyo in baadhista 34-ka sanno ee Jamhuuriyadda Somaliland noqoto mid qoto dheer, dhexdhexaad ah, oo ku dhisan cilmi iyo xog, waxa lama huraan ah in si cad loo qeexo qaab-dhismeedka guddiga, xulashadooda, masuuliyaddooda iyo nidaamka shaqo.
- Qaab-dhismeedka Guddiga
Guddigu wuxuu ka koobnaanayaa 11 ilaa 15 xubnood si loo helo isku dheelitirnaan aqoon, waayo-arag iyo fudayd go’aan qaadasho.
- Qaab Xulashada
Madaxweynaha ayaa magacaabaya xubnaha kadib latashi ballaadhan oo lala yeesho Golayaasha Qaranka, Jaamacadaha iyo bulshada rayidka ah. Xubnaha waa inay leeyihiin aqoon sare, waayo-arag dheer, kana madax-bannaan dano siyaasadeed.
- Masuuliyadda Guddiga
Ururinta xogta, qiimeynta hay’adaha dawladda, wareysiyo qaran, falanqayn cilmiyeed iyo soo saarista warbixin qaran oo talooyin wax ku ool ah leh.
- Nidaamka Shaqo
Guddigu wuxuu ku shaqaynayaa ToR cad, hoosaadyo takhasus leh, kulammo joogto ah iyo warbixin horumar.
- Wakhtiga Shaqada
Shaqadu waxay soconaysaa 6 bilood: diyaar-garow, baadhis, iyo qorista warbixinta kama dambaysta ah.
- Waxyaabaha Lama Huraanka ah
Miisaaniyad madax-bannaan, xafiis, xog-dawli, taageero farsamo iyo sharci.
- Ka-hortagga Eexda
Xeer anshax, dhaar qaran, kormeer madax-bannaan iyo talooyin ku salaysan daliil iyo xog.
Gunaanad
Soo jeedintani waa is-xisaabtan qaran oo horseedi kara dib-u-dhis, is-sixid, iyo mustaqbal waara.
Qaabkan guddigu wuxuu dammaanad qaadayaa hufnaan, kalsooni qaran iyo warbixin la fulin karo.
Â
Waxa Diyaariyay:
Wasiir Hore
Yuusuf Maxamed Cabdi
Â


