“Ha is yeeshaan hadaladii quruxda badnaa ee mas’uuliyiintu ka jeediyeen shirka iyo habdhaqanka xukuumaddu” – Dr Abdiweli Suufi

    0
    Hargeysa (HT)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Isgaadhsiinta Dr Abdiweli Suufi Ibraahim, ayaa sheegay inay dalka ka jiraan tallaabooyin meel ka dhac ku ah xorriyatul-qawlka oo xukuumadda kacday xilli maanta uu magaalada Hargeysa ka furmay shirweynaha Cadaaladda ee Somaliland.
     
    Ex-Wasiir Suufi oo qoraal kooban soo saaray, waxa uu sheegay inay jiraan shaqsiyaad aragti siyaasadeed oo ay cabbireen u xidhan iyada oo aan maxkamad la hor-keenin, isagoo tusaale u soo qaatay ganacsade Cabdilaahi Xuseen Daa’uud oo muddo bil ku dhow u xidhan aragtidiisa siyaasadeed.
     
    Dr Abdiweli, waxa uu qoraalkiisa ku yidhi, “Munaasabadda 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 ee maanta furmay, waxa mudan in la xuso in muwaadin 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐃𝐚𝐚’𝐮𝐮𝐝 uu muddo ku dhaw afar toddobaad u xidhan ra’yi siyaasi ah oo uu cabbiray, weli maxkamad la hor keenin wax war ahna lagama hayo xaaladdiisa sidii loo xidhay.”
     
    Dr Abdiweli waa kale oo uu yidhi, “Waxa sidoo kale isa soo taraya wararka sheegaya dad kala duwan oo lagu xidhay maalmihii u dambeeyay gobolada 𝐀𝐰𝐝𝐚𝐥 iyo 𝐒𝐞𝐥𝐞𝐥.
     
    Ha is yeeshaan hadaladii quruxda badnaa ee mas’uuliyiintu ka jeediyeen shirka iyo habdhaqanka xukuumaddu.” Sidaas ayuu sheegay Dr Abdiweli Suufi.