Dowladda Taiwan oo Somaliland U Soo Dirtay Khubaro ka caawinaya Tayeynta Ciidanka Ilaalada Xeebaha

    0

    Taliyaha Ciidanka Illaalada Xeebaha Somaliland Admiral Axmed Hurre Haariye, ayaa gelinkii dambe ee maata Dalka ku soo dhaweeyey saraakiil ka tirsan Golaha Arrimaha Badaha iyo Waaxda Ilaalada Xeebaha ee Taiwan (Ocean Affairs Council and Coast Guard Administration).

    Socdaalka saraakiishani ku yimaaddeen Somaliland, ayaa bilow u ah Heshiiska iskaashi oo labada waddan kala saxeexdeen badhtamihii sannadkan, kaas oo diiradda saaraya inay iskaashi ka yeeshaan dhinacyada isu-socodka iyo Amniga Badda, hawlgallada ka dhanka ah budhcad-badeedda iyo tayeynta ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland.

    Taliyaha Ciidanka Ilaalada xeebaha waxa soo dhaweynta khubarada ka socotay Taiwan ku wehelinayey abaandulaha 1-aad ee Ciidanka Ilaalada xeebaha Korneyl Khadar Maxamed Aw Ciise, waxaanay weftiga ku maamuuseen casho sharaf ay caawa u sameeyeen.

    Bishii July ee sannadkan, wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, ayaa socdaal dhowr maalmood qaatay ku gaadhay dalka Taiwan, waxaana soo dhaweeyey wasiirka khaarajiga ah ee Taiwan, waxaanay labada dhinac ku heshiiyeen sidii ay isaga kaashan lahaayeen amniga badda isla markaana loo xoojin lahaa tayada Ciidanka ilaalada Xeebaha ee Somaliland hadday tahay dhinacyada tabobarrada iyo Agabka kala duwan ee ay ku hawl-galaan oo la casriyeynayo.