Wax ka ogow Aqoonta Maamulka Hawada iyo Sida ay u shaqayso + Xogta Maamulka Hawada Somaliland iyo Soomaaliya

    Maamulka Hawada Somaliland: Xog Cilmiyeed, Jaantusyo & Faham Guud

    0
    Aqoonyahan Yuusuf Maxamed

    W/Q: Aqoonyahan Yuusuf Qani Maxamed

    1. Waa Maxay Air Navigation?

    Air Navigation waa habka iyo nidaamka lagu hago duulimaadyada diyaaradaha si ay ugu socdaan waddooyin hawadeed oo ammaan ah, la saadaalin karo, laguna sameeyo maarayn sax ah. Waxaanay ku lug leedahay:

    • In diyaaradda loo sameeyo hagis sax ah (Navigation Guidance)
    • In la xakameeyo isku socodka diyaaradaha (Air Traffic Control)
    • In la isticmaalo qalab casri ah sida Radar, GPS, VOR, ILS iyo habab kale.\
    1. Waa Maxay Air Sovereignty?

    Air Sovereignty waa xuquuqda iyo awoodda ay dawladdu u leedahay ilaalinta, xakamaynta iyo maamulka hawadeeda gudaha (National Airspace).

    Dal kastaa wuxuu xaq u leeyahay:

    • In uu go’aamiyo diyaaradaha geli kara hawadiisa.
    • In uu ilaaliyo amniga hawada
    • In uu xaddido ama diido duulimaad kasta oo aan fasax haysan
    1. Waa Maxay Shaqada ICAO?

    ICAO (International Civil Aviation Organization) waa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan duulista rayidka caalamka. Shaqadeedana waxaa ka mid ah:

    • Inay dejiso xeerarka caalamiga ah ee duulimaadka.
    • Inay sameyso heerarka amniga hawada (Air Safety Standards).
    • Inay isku duwdo dalalka si loo helo duulimaad nabdoon.
    • Inay gacan ka geysato horumarinta tiknoolajiyada duulista
    1. Goorma la aas-aasay ICAO?

    ICAO waxaa la aas-aasay sanadkii 1944, ka dib shirkii Chicago Convention, waxaana si rasmi ah shaqada u bilowday 1947.

    1. Imisa Qalab ayaa loo isticmaalaa Hawada iyo Hagida Diyaaradaha?

    Waxaa jira tiro badan oo qalabyo iyo nidaamyo ah, kuwa ugu muhiimsan waxaa ka mid ah:

    • Radar System – lagu ogaanayo dhaq-dhaqaaqa diyaaradaha
    • VOR (Very High Frequency Omnidirectional Range) – hagis diyaaradeed
    • GPS Navigation – nidaam satelayt ah oo sax ah
    • ILS (Instrument Landing System) – hagid diyaaradeed marka la degayo
    • ADS-B – nidaam casri ah oo xogta duulimaadka gudbiya.
    • Communication Radios – xidhiidhka Air Traffic Control.

    Warbixintani waxay kaa caawinaysaa inaad fahanto hababka iyo nidaamka ay ku shaqeyso hawadu iyo sida duulimaadyadu u noqdaan kuwo ammaan ah oo nidaamsan.

    Maamulka Hawada Somaliland: Xog Cilmiyeed, Jaantusyo & Faham Guud

    Warbixintan waxaa lagu daray jaantusyo cilmi ah oo muujinaya: Qiyaasta dakhliga hawada Somaliland kaga luma sanadkii Noocyada lacagaha (charges/fees) laga qaado diyaaradaha.

    Jaantus 1: Dakhliga Hawada ee Somaliland Lunta Sanadkii

    Jaantus 2: Noocyada Lacagaha laga qaado Duulimaadyada

    Warbixintani waxay soo bandhigaysaa qaab dhismeedka dhaqaalaha duulimaadyada caalamiga ah iyo sida maamulka hawadu muhiim ugu yahay madaxbannaanida dhaqaale ee Somaliland.

    Dakhliga Hawada iyo Duulimaadyada Soomaaliya

    • Sanadka 2022: Soomaaliya waxa ay kasoo gashay hawada lacag dhan USD 15.11 milyan.
    • Sanadka 2023: Dakhliga ayaa kordhay oo gaadhay USD 20.48 milyan.
    • Warbixinno kale ayaa tilmaamaya in dakhliga guud ee hawada iyo duulimaadyadu gaadho in ka badan USD 30 milyan sanadkii.

    Dakhligaasi waxa uu ka yimaadaa:

    • Overflight fees (diyaaradaha hawada maraya)
    • Adeegyada garoomada diyaaradaha
    • Adeegyada hagista duulimaadka (air navigation services)
    • Cashuuraha iyo khidmadaha kale ee duulista.

    Aqoonta laga rabo cida hogaaminaysa Maamulka Hawada

    • Waxbarasho sare oo la xidhiidha aviation management, air traffic management, ama engineering.
    • Khibrad shaqo oo ku saabsan hawada, diyaaradaha, ATC ama maamulka garoomada.
    • Aqoonta shuruucda caalamiga ah sida ICAO iyo heerarka amniga.
    • Kartida hagidda shaqaalaha, maamulka hawlaha, iyo maaraynta nidaamyada hawada.
    • Faham buuxa oo ku saabsan air navigation, aerodrome operations, iyo aviation safety regulations.

    Soomaaliya waxa ay sanad walba ka heshaa hawadeeda dakhli aad u badan taas oo kor u sii kacaysa maadaama dib loo hagaajiyay maamulka hawada. Si hawshaasi u noqoto mid ammaan ah oo waxtar leh, waxaa lagama maarmaan ah in haay’adaha duulista hawada ay hoggaamiyaan khubaro leh aqoon sare, khibrad maamul iyo faham qoto dheer oo ku saabsan isku xidhka diyaaradaha, hawada iyo shuruucda caalamiga ah.

    Dakhliga Hawada iyo Madaarada Somaliland

    1. Hordhac

    Warbixintani waxay faahfaahin dheeraad ah ka bixinaysaa dakhliga Somaliland ka hesho garoomada diyaaradaha, adeegyada duulista, iyo qorshaha cusub ee overflight-ka.

    Waxay ku salaysan tahay xog la heli karo iyo qiimeyn maamulka hawada.

    1. Garoomada Somaliland iyo Awooddooda
    • Hargeisa (Egal International Airport) – Runway 3,700m, adeegyada caalamiga ah.
    • Berbera International Airport – Runway 4,140m, ka mid ah kuwa ugu dheer Geeska Afrika.
    • Burao Airport – Runway dhoobo ah 2,556m. Shaqooyin horumarineed loo baahan yahay.

     

    1. Dakhliga Madaarada Somaliland Xogta ugu cadcad ee la helay waxay muujinaysaa in:
    • Egal International Airport uu soo xareeyo USD 11,973,600 sanadkii. Dakhligaasi wuxuu ka yimaadaa: – Landing Fees (diyaaradaha soo degaya) – Passenger Service Charges – Security Fees – Handling Fees – Cargo Fees
    1. Dakhliga Hawada (Airspace Revenue) Ilaa 2025. Somaliland si toos ah ugama helin dakhliga diyaaradaha hawadeeda mara. Laakiin: 10-kii November 2025, Somaliland waxay bilowday ruqsadaha Overflight. Tani waxay ka dhigan tahay in sannad kasta Somaliland ay heli doonto malaayiin dollar.
    2. Saadaasha Dakhliga Mustaqbalka Haddii Somaliland ay hesho: 30–80 diyaaradood maalintii oo hawadeeda mara, Celcelis ahaan khidmaddu noqoto USD 150–350 duulimaadkii, Dakhliga sannadlaha ahi wuxuu noqon karaa: USD 1.6M–10M sanadkii.
    3. Talooyin Horumarineed
    • In la dhiso Somaliland Aviation Authority oo madax-bannaan.
    • In la casriyeeyo nidaamka hagista hawada (ATC) si loo helo ICAO compliance.
    • In la kordhiyo adeegyada garoomada si kor loogu qaado dakhliga.
    • In la dhiso radar buuxa iyo network AIS/AIM casri ah.
    • In la sameeyo Aviation Act rasmi ah.
    1. Gunaanad

    Somaliland waxay leedahay awood dhaqaale oo aad u weyn oo ka iman karta hawada iyo madaarada. Haddii si nidaamsan loo maamulo, dakhliga hawadu wuxuu noqon karaa mid ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan dalka.

     

    W/Q: Aqoonyahan Yuusuf Qani Maxamed