Dowladda Lubnaan Oo amartay in dammaanad 11 Milyan oo Dollar ah lagu sii daayo Hannibal Qadaafi

    0

    Maxkamad ku taalla dalka Lubnaan ayaa amartay in dammaanad 11 Milyan oo Dollar ah lagu sii daayo Hannibal Qadaafi oo ah wiil uu dhalay hogaamiyihii geeriyooday ee Liibiya Mucamar Qadaafi. Balse Qareenadiisa ayaa sheegay in uusan haysan lacag uu ku bixiyo.

    Mr Hannibal Qaddafi oo muddo toban sano ah ku xidhan xabsi ku yaalla dalka Lubnaan, iyadoo aan wax dacwad ah lagu soo oogin, ayaa sidoo kale laga mamnuucay inuu safro, sida lagu sheegay amarkan siideyntiisa oo uu soo saaray garsoore lagu magacaabo Zaher Hamada.

    Amarka sii dayntiisa ayaa timid ka dib markii qareenadiisu ay sheegeen in uu ku xanuunsaday qol uu xidhan yahay oo ku yaala xarunta Ciidanka booliska ee magaalada Beirut.

    Mr Qaddafi ayaa ku xidhnaa Lubnaan tan iyo sannadkii 2015-kii, waxaana dhowr jeer loo qaaday Cisbitaal xilli uu cuntada ka soomay isagoo ka cabanaya xaaladiisa.

    Lubnaan ayaa ku eedaysay inuu qariyay macluumaad ku saabsan halka uu ku danbeeyey wadaad Shiico ah oo lagu magacaabi jiray Musa Al Sadr oo raqdiisa iyo ruuxdiisa la waayey sannadkii 1978-kii xilligaas oo uu safar ku joogay Liibiya.

    Hannibal Qaddaafi oo xiligaas ahaa laba sano jir, ayaa ku adkeysanaya inaanu wax dambi ah gelin, wuxuuna sheegay inuu dhibane u yahay cadaalad darro lagula kacay.

    Xeer-ilaaliyaha Guud ee dalka Liibiya Siddiiq Al Suur, ayaa si rasmi ah uga codsaday Lubnaan inay sii deyso 2023-ka.

    Mr Qadafi ayaa ka cararay dalka Liibiya sanadkii 2011-kii, xiligaasi oo ay ka socdeen kacdoono looga soo horjeedo xukunka aabihiis oo 42 sano ah xukumayey dalkaas. Mucamar Qadaafi waxaa xiligaas qudha ka jaray dagaalyahanada mucaaradka magaalada Sirta ee dalka Liibiya.

    Hannibal Qadaafi ayaa illaa xiligaas ku noolaa dalka Suuriya, isagoo la noolaa xaaskiisa oo u dhalatay dhalatay dalka Lubnaan.

    Markii dambe waxa dowladda Lubnaan u gacan-galiyey malleeshiyaad hubaysan xilliyadii dagaaladu ka socdeen Suuriya.