Shirkadda DP World oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta isla markaana maamusha dekedda Berbera, ayaa xoojisay baaqyada Maraykanka ku guubaabiyay inay aqoonsadaan madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
Sida lagu daabacay wargeyska dalka UK ka soo baxa ee SEMAFOR, shirkadda DP World ayaa ku biirtay dhawaaqyada sii xoogaysanaya ee Caalamka ee loogu ololaynayo qadiyadda Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.
Guddoomiyaha guud ee DP World, Sultan Axmed bin Sulayem, ayaa sheegay in aanu wax shaki ah ka qabin maalgashigii ay ku geliyeen sannadkii 2016kii marsada Berbera, isagoo ku taamayay koboc dhaqaale oo ka baxsan Somaliland, gaar ahaan suuqyada ballaadhan ee dalka Itoobiya oo aan bad lahayn.
SEMAFOR wuxuu intaas ku daray in Shirkaddu ay ku bixisay in ka badan $400 milyan oo doolar si ay u ballaadhiso, una casriyayso dekedda Berbera oo hadda awood u leh inay u adeegto maraakiibta ugu waaweyn ee xamuulka, waxaana ay sidoo kale dhisaysaa aag cusub oo wax-soo-saar iyo ganacsi ah oo ku dhow magaalada Berbera.
Guddoomiyaha DP World oo ka hadlayay madal lagu qabtay magaalada Dubai oo lagu magac-daray The Africa Debate oo ay ka wada hadleen Madaxweynaha Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa bin Sulayem ammaanay xasilloonida, amniga iyo furfurnaanta ganacsi ee Somaliland. Wuxuu sheegay in aqoonsigu uu horseedi doono ganacsi iyo maalgashi badan, isagoo intaas ku daray in shirkado badan ay doonayaan inay JSL ganacsi ka bilaabaan, maadaama ay soo jiidanayaan khayraadka dabiiciga ah, beeraha, xoolaha nool, iyo dekedda casriga ah ee Berbera oo fulisa isku xidhka degdegga ah ee suuqyada Mandaqada.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa ka hadlay muhiimadda aqoonsiga, isagoo ku tilmaamay shacabka Somaliland inay yihiin ummad si cad uga duwan shacabka kale ee Soomaaliya oo muddo dheer la daalaa dhacayay xasillooni darro siyaasadeed iyo kaacaakuf amni.
Madaxweynaha Somaliland wuxuu hoosta ka xariiqay inuu yahay Hoggaamiyaha keliya ee si dimuqraadi ah loo doortay ee Soomaali ah, taasoo ah dhaliil uu u jeediyay madaxda aan la dooran ee Muqdisho.
Madaxweynaha Somaliland wuxuu xusay in dalkiisu buuxiyay dhammaan  shuruudaha dawladnimo ee lagu kasbado aqoonsiga caalamiga ah.
Geesta kale, warsidaha SEMAFOR, wuxuu ka warramay in Taageerayaasha Somaliland ee ku sugan Washington ay u arkaan JSL inay noqon karto mid ka mid ah xulafada amniga Maraykanka ee ugu muhiimsan Geeska Afrika.
Warku wuxuu intaas ku daray in ictiraafka Somaliland laamaha amniga Maraykanka u fududayn lahaa inay Somaliland ka dhisaan saldhig lagu kormeero iyo saameynta sii fidaysa ee Shiinaha, oo saldhig milatari ku leh dalka Jabuuti.
Doodda DP World ayaa diiradda saaraysa dhinaca faa’iidooyinka dhaqaale, taas oo sidoo kale uu Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro u adeegsaday sidii uu ugu abuuri lahaa dadkiisa fursado dhaqaale oo cusub, iyadoo ay dalka ka jirto saboolnimo iyo dhaqaalaha oo hooseeya.
Warsidaha SEMAFOR ayaa tibaaxay in Madaxweynuhu uu tilmaamay in maalgashadayaal cusub oo reer Yurub ahi ay xiise u muujiyeen Somaliland, hase yeeshee uu horumarku dib u dhacayo sababo ku wajahan adeegyada daruuriga ah sida bangiyada iyo caymiska oo yar.
Warbixintu waxa ay xustay in Madaxweynaha Somaliland uu bishii May ee la soo dhaafay u diray waraaqo rasmi ah dalal badan oo ay ka mid yihiin Faransiiska, UK, Imaaraadka Carabta, iyo Mareykanka, si uu ugu soo bandhigo kiiska aqoonsiga Somaliland.
“Somaliland waanu heli doonnaa ugu dambayntii aqoonsiga aad bay ugu dhowdahay inay noqoto Somaliland xubin ka tirsan bulshada caalamka,” ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).


