Madaxweyne Trump iyo dhiggiisa Ukraine ayaa maanta gelinka dambe u ballansan kulan muhiim ah oo lagaga jaan-goynaya joojinta iyo sii socoshada dagaalka u dhexeeya Ruushka.
Kulanka waxa qayb ka noqon doona oo madaxweynaha Ukraine-na garabkiisa joogaya dhowr ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka Yurub, kuwaas oo joogitaankoodu ka markhaati kacayo muhiimadda kulani leeyahay iyo sidii ay qayb uga noqon lahaayeen ballan-qaadyo ku jiro shuruudo qalafsan oo madaxweynaha Ruushku ku xidhay joojinta dagaalka Ukraine.
Madaxda Yurub ee kulanka ka qayb-galay ayaa ka ah Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, Ra’iisal-wasaaraha UK, Keir Starmer, Hoggaamiyaha Jarmalka Friedrich Merz, Ra’iisal-wasaaraha Talyaaniga, Giorgia Meloni, Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub, Ursula von der Leyen, Madaxweynaha Finland, Alexander Stubb iyo ugu Dambeyntii Xoghayaha Guud ee NATO Mark Rutte.


