Donald Trump oo madaxweynaha Ukraine u Qaddimay Shuruudo Adag oo madaxweynaha Ruushku ku xidhay Dagaalka Ukraine

    0

    Iyadoo maanta loo ballansan yahay wada-hadallada heerka sare ah ee uu la Yeelanayo madaxweynaha Ukraine oo ay weheliyaan dhowr ka mid ah madaxda Yurub, Madaxweyne Donald Trump waxa uu soo qadimmadday horudhaca farriinta uu u gudbin doono martida uu maanta ku qaabilayo Aqalka Cad.

    Farriintan ayaa nuxurkeedu yahay sida ay qasabka u thaay inuu Zelensky oggolaado shuruudaha Ruushku ku xidhay dagaalka Ukraine oo la soo afjaro.

    “Madaxweyne Zelenskyy si degdeg ah ayuu u soo afjari karaa dagaalka Ruushka haddii uu rabo, haddii kale ha iska sii wato dagaalka,” sidaa waxa bartiisa Social ku qoray madaxweyne Trump, waxaanu intaas ku daray, “Dib uma soo noqonayo Gobolka Crimea ee Obama bixiyey iyadoon qashar laysku ridin, sidoo kale Ukraine ha iska ilowdo inay xubin ka noqoto Isbahaysiga NATO.” Ayuu yidhi Trump.

    Sida ka muuqato qoraalka Trump, qorshaha madaxweynaha Maraykanku maanta hordhigayo madaxweynaha Ukraine, ayaa u muuqda laba shuruudood oo madaxweyne Putin ku xidhay inuu soo afjaro dagaalka Ukraine, kuwaas oo kala ah in Ukraine iska ilowdo dhulka Ruushku ka qabsada iyo inaanay waligood ku riyoonin inay ku biiraan xulafasho militariga reer Galbeedka ee NATO.