Hargeysa (HT) – Dawladda Somaliland, ayaa si kulul uga jawaabtay hadal ka soo yeedhay Raysal-wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, kaasi oo uu Qurbe-joogta Soomaaliya ee ku nool dalka Ingiriiska ugu soo jeediyey inay ku mudaharaadaan Baarlamaanka Uk, si ay uga hor-tagaan Dedaallada Aqoonsiga ee ay wadaan Xildhibaannada uu ka midka yahay Gavin Williamson.
Raysal-wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo toddobaadkii hore ka hadlayey Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inay walaac ka qabaan qorshaha aqoonsiga Somaliland oo uu sheegay inuu si xawli ah uga socdo dalalka reer galbeedka, gaar ahaan Uk, waxaanu qurbe-joogta Soomaaliya ee Ingiriiska deggan ugu baaqay inay ku mudaharaadaan Baarlamaanka dalka Ingiriiska isla-markaana ka hor-tagaan dedaallada ay Arrintan ku bixinayaan Xildhibaannada uu ka mid yahay Gavin Williamson, si ay uga hor-tagaan in la aqoonsado Somaliland.
Laakiin, Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige (Xuseen-deyr) oo daba socda hadalka Raysal-wasaaraha Soomaaliya, ayaa dhawaaqa Raysal-wasaaraha Soomaaliya ku tilmaamay mid ka turjumaya niyad-jabka Maamulka Muqdisho, rejo-xumada iyo diidmada horumarka siyaasadeed iyo dimuqraadiyadeed ee Somaliland hano-qaaday.
“Dawladda Soomaaliya waxa ay isku dayeysaa inay madmadow geliso xaqiiqada ka jirta Somaliland, dawlad xasiloon, dimuqraadi ah, oo iskeed isku maamulaysa oo qabatay doorashooyin badan oo xor iyo xalaal ah, nabaddana dhawray muddo tobanaan sano ah, kuwaas oo ah guulo aanay Soomaaliya weli gaadhin,” ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Mr, Xuseen-deyr.
Afhayeenku wuxuu celceliyay in Somaliland isku maamusho sharcigeeda, taasina ka duwan tahay qalalaasaha baahsan, musuqmaasuqa iyo ku tiirsanaanta kaalmada shisheeye ee Soomaaliya, taasina tahay waxa u horseedaya aqoonsiga ay xaqa u leedahay, kaasi oo aan codsi ahayn, balse ah wax ku imanaya xaqiiqo dunidu wada arkayso “Aqoonsiga Somaliland maaha kaliya codsi; waa xaqiiqo wakhtigeedii yimid..”
Hadalka Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, ayaa ku soo beegmaya xilli Dawladda Soomaaliya dedaal wejiyo badan leh ku bixinayso sidii ay uga hor-tagi lahayd aqoonsi buuxa oo Somaliland ka hesho beesha caalamka, sida Ingiriiska iyo Maraykanka oo Aqalka Congress-ka ee Baarlamaanka dalkaasi uu hor-yaallo “Xeerka Aqoonsiga Somaliland’, kaasi oo marka la meel-mariyo Madaxweyne Doland J. Trump awood gaar ah u siinaya inuu aqoonsado Somaliland.
Dhanka kale, Xogo laga helay Ilo-wareedyo kala duwan, ayaa tibaaxay in Maamulka Xasan Sheekh Maxamuud ee Soomaaliya ay Malaayiin dollar ku bixinayso sidii ay Dawladda Maraykanka ugu qancin lahayd in aanay aqoonsan Somaliland oo ay u aragto inay dhulkeeda ka mid tahay.
Hargeisatoday.com


