Somaliland iyo Taiwan Oo Kala Saxeexanaya Heshiiska Ilaalinta Amniga Xeebaha iyo Xuduudaha Badeed ee JSL

    0
    Taipei (HT)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadam iyo Wefti uu hogaaminayo, ayaa maanta gaadhay magaalada Taipei ee dalka Taiwan, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Taiwan.
     
    Wasiirka Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ay xubno ka yihiin Wasiirka Madaxtooyada Khadar Xuseen Cabdi, Taliyaha Ciidanka Ilaaladda Xeebaha Sareeye Guuto Axmed Hurre Haariye iyo La-taliyaha madaxweynaha ee Arrimaha Dublomaasiyadda Maxamed Cumar Xaaji, waxa uu safarkooda shaqo ee dalka Taiwan qaadan doonaa inta u dhaxaysa 21-ka ilaa 25-ka bishan July.
     
    Sida lagu sheegay war-saxafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan Oo warbaahinta Hargeysa Today soo xigatay, Weftiga Somaliland, waxa ay kulamo la qaadan doonaan madaxweynaha Taiwan Lai Ching-te, Wasiirka Arrimaha Dibadda Lin Chia-lung, xoghayaha Guud ee Golaha Amniga Qaranka Wu Zhaoxi iyo Ku-xigeenka Wasiirul-dowlaha Arrimaha Dibadda Wu Zhizhong.
     
    Sida war-saxaafadeedka lagu sheegay, Jahuuriyadda Somaliland iyo Dowladda Taiwan, waxa ay wada-jir u saxeexayaan Heshiiska Iskaashiga Ilaalada Xeebaha, kaas oo uu suurta-galinaya inay labada waddan si wada-jir ah u ilaaliyaan Amniga Xeebaha iyo Xuduudaha Badeed ee Somaliland.
     
    Heshiiskan ayaa ku soo beegmaya Sannad iyo dhowr bilood kaddib heshiis noocan oo kale oo Soomaaliya la gashay Dowladda Turkiga.
     
    Warkan oo Faahfaahsan ka Akhriso mareegtan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwain https://www.mofa.gov.tw/News_Content.aspx?n=96&s=120291
     
    Hargeysa Today