Waxaan wax ka qorey 285 qof oo wasiir ka soo noqday Jamhuuriyadda Somaliland laga soo bilaabo 1991 ilaa 2025.
Wasiiradan waxa ka mida 10 ka mida hableena oo wasiiro ka soo noqday mudadaas oo ka ah:-
- Milgo Maxamed Cilmi Colow (Milgo Sambalooshe)
- Kaltuun Sh Xasan Cabdi Madar
- Hinda Jaamac Xirsi Maxamed (Hinda Gaani)
- Aamina Cilmi Fariid Badeed
- Shugri Xaaji Ismaaciil Maxamuud (Shugri Baandare)
- Samsam Cabdi Aadan
- Ilhaan Maxamed Jaamac
- Edna Aaden Ismaaciil Guuleed (Edna Aaden Dhakhtar)
- Faadumo Suudi Xasan
- Deeqa Jaamac Jibril (Deeqa Col-ujoog)
Laga soo bilaabo 1993 kii xukumadii uu soo dhisay ilaahay ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ilaa xukuumaddan u danbaysay ee uu soo dhisay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) 14 December 2024 dhamaan waan diiwaan galiyay masuul kasta taariikhdii la magacaabay, waxaan nasiib u helay in aan hayo inta badan wargeysyadii ay ku soo baxeen magacaabista masuuliyiintaas intii u dhaxay 1993 kii ilaa 1999, wargaysyadaa oo u badan wargeyskii Jamhuuriya, wargeyskii Xoriyo, wargeyska Codka iyo Wargeysku dawladu soo saari jirtay ee la odhan jiray wargeyska Geeska Afrika markii danbana loo bixiyay wargeyska Maandeeq hadana loo yaqaan wargeyska Dawan.
Laga soo bilaabo 2000 anoga ayaa gacantayda ku qorey ama wargeysyadii badnaa ee dalka ka soo bixi jirey markii danbe aan ka qoro ama radio hargeysa aan ka qoree, waliba waxa xiiso leh, radio hargeysa inta badan waxaan ka qorey warkii ku celiska ahaa ee habeenkii markay ka sii baxayso.
Hadii aan iyar idanka soo qaado waxa ka mida Wasiirkii wasaaradaha ugu badan soo maray waa abtigay
Cali Maxamed Cabdilaahi (Cali Warancade) wuxuu soo maray:
- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka
- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyaynta
- Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta
- Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada iyo Dhalinyarada iyo Ciyaaraha
- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta
- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada
- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Sidoo kale isna waxa Wasaaraddo badan soo maray Cabdilaahi Maxamed Ducaale (Ina Dhoolayare) isagoo soo maray:-
- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
- Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka
- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada
- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada
- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta
- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda
Waxa iyana aan soo qaadan doonaa Wasiirkii ay soo magacaabeen afar madaxweyne wuxuu ahaa ilaahay ha unaxariistee Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad) oo wasiir ka soo noqday Wasaaradahan:-
- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka
- Wasiirka Wasaaradda Beeraha
- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada
- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta
- Wasiirka Wasaaradda Warshadaha
Dhanka kale hadii aan soo qaato masuuliyiintii ugu mudada dheera oo si xidhiidh ah jagada wasiirnimo u hayay waxay ahaayeen sidan:-
- Cabdilaahi Maxamed Ducaale 17 Sano
- Sacad Cali Shire Naaleeye 14 sano
- Cabdilaahi Xuseen Iimaan Wacays (Darawal) 12 Sano
- Khaliil Cabdillaahi Axmed Rooble 11 Sano
- Shugri Xaaji Ismaaciil Maxamuud (Shugri Baandare) 11 Sano
Dhanka kale waxaan jeclaystay in aan soo qoro qaar ka mida wargeysyadii dalka ka soo bixi jirey qaarkood oo ku keydsan keydkayga KAM-QABILLE, wargeysyadan oo soo bixi jirey xiliyo kala danbeeyayay.
- Wargeyska Jamhuuriya
- Republican Newspaper
- Wargeyska Xoriyo
- Wargeyska Codka
- Wargeyska Geeska Afrika/Maandeeq/Dawan
- Horn Tribune Newspaper
- Wargeyska Haatuf
- The Somaliland Times
- Wargeyska Himilo
- Wargeyska Geeska Afrika
- Wargeyska Ogaal
- Wargeyska Waaheen
- Wargeyska Saxafi
- Wargeyska Hargeysa Star
- Wargeyska Codka Shacabka
- Wargeyska Maalmaha
- Wargeyska Saxansaxo
- Wargeyska Xog-Ogaal
- Wargeyska Yool
- Wargeyska Foore
- Wargeyska Hubaal
- Wargeyska Somaliland today
- Wargeyska Sahan
- Wargeyska Hubsad
- Wargeyska Waaberi
- Wargeyska Warsugan Times
- Wargeyska Daallo
Wargaysyada wixii aan hayo ee aan ka tagay dib ayaan ka sixi insha allah.
Fiiro Gaara: Waxa jira masuuliyiin ku soo noqnoqday ama dhawr jeer loo magacaabay wasiir oo marka laysku geeyo mudada kala duwan noqonaya sanado balse kuwan waxaan u soo qaatay waa mudo xidhiidh ah.
Waxa waxooga iga dhiman yihiin mudadii ay wasiirada qaarkood xilalka hayeen dawladii ilaahay ha u naxariistee Cabdiraxmaan Axmed Cali intii u dhaxaysay 1991 ilaa 1993 ka hor Xukumadii cusbayd ee Madaxweyne Cigaal ilaahay ha u naxariistee.
Wargayskan la socda qoraalkan waa mar uu ilaahay ha u naxariistee madaxweyne Cigaal uu isku shaandhayntii ugu balaadhnayd uu sameeyay bishii September 1996, sidoo kale uu isku daray dhawr wasaaradood, qaarna uu baabiyay.
Magacaabis ka muuqata waxa ka mida masuuliyiin cusubaa:-
- Cali Maxamed Cabdilaahi Warancade Wasiirka Caafimadka iyo Shaqada
- Maxamud Maxamed Ismaacil Guuleed Wasiirka Xanaanada Xoolaha
- Maxamed Maxamud Faarax (Odey) Wasiirka Kaluumaysiga
- Axmed Wacays Guhaad Wasiirka Dalxiiska iyo Suugaanta
- Baashe Cali Jaamac Wadaad Wasiirkii Biyaha iyo Macdanta
- Dr. Saleeban Cabdi Guuleed Maxamed Wasiirka Warfaafinta
- Maxamed Cali Yuusuf (Maydhax) Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaashandhiga
Waxa kale oo xusuusin iga ah in inta badan aan qorey wasiiradan magacooga oo afran ilaa ka shanaad.
XUQUUQDA QORAALKAN HALA DHAWRO.
Khadar Cabdilahi-Qabille.


