Maxkamadda Sare Ee JSL oo Go’aan Ka Soo Saartay Dacwad Xeer Dacwad xeer ilaalintu Ka Gudbisay xeerka Doorashooyinka.

    0

    Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Sare ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta go’aan ka soo saartay Dacwad Dastuuri ah oo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku usoo gudbiyey isaga oo tixraacaya qoraal madaxweynaha Somaliland u gudbiyey.

    Dacwada Maxkamadda Sare go’aanka ka soo saartay, ayaa nuxurkeedu ku saabsanaa  Wax-ka-bedel iyo Kaabis lagu Sameeyey Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diwaangalinta Codbixiyaasha Xeer Lr 91/2023.

    Go’aanka Maxkamadda Sare kaga bogo halkan.